U bood dhigaalka

Daladda SAFE Oo Bilowday Imtixaankii Sanad Dugsiyeedka 2016/2017

Sheeko:War

Dugsiyada Hoostaga Dalada Waxbarashada SAFE Oo maanta Uu Ka Bilowday Imtixaanka kamadambaysta sanad dugsiyeedka 2016/2017.

Imtixaankan ayaa waxaa ka qeybgalaya dhaman ardada dhigata fasallada kala duwan ee iskuulaadka hoostaga daladda waxbarashada ee SAFE.

Dugsiyada waxbarasho ee maanta ay ardada wax ka barataa u faristeen imtixaanka ayaa waxaa kamid ah, Iskuulka Tacliin, maamulaha iskuulkaasi Deeq C/Nuur Guuleed oo Maandeeq Fm la hadlay ayaa  sheegay iney ardayda  wax kabarata iskuulkooda  heerarka kala duwan uu u bilowday imtixaanka.

“Waxaan joogaa hoolkii uu imtaxaanku ka socday ee Tacliim, imtixaanka diyaargarowgiisu waxa uu soo bilowday muddo dheer ka hor, imtixaan shahaadi ah diyaargarowgii la muujinayay ayaa la muujiyay, imtixaanka waxa uu naga soo gabagaboobayaa maalinta Khamiista ah”, ayuu yiri maamule Deeq C/Nuur oo ka mid ah mas’uuliyiin daladda waxbarashada SAFE.

Imtixaankan ayaa ah mid ay ka qeybgalayaan ardayda  dhameneysa dugsiyada sare, xilli dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda waxbarashada ay ku dhawaaqday iney  qaadi doonaan  20, May, 2017 imtixaankii shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka oo si wadajir ah maalin kaliya ugu dhicidoona dalka.

Goobjoog News