U bood dhigaalka

Dalalka Ku Bahoobay OPEC Ayaa Ka Shiraya Sidii Loo Dheelli Tirilahaa Sicirka Naftada Suuqyada Caalamka

Sheeko:Dalka

Wasiirrada Tamarka Dowladaha Qatar, Imaaraadka,Turkiga,  Venezuela, Algeria iyo Ruushka ayaa  kulan ku yeeshay Magaadla Istanbul ee dalka Turkiga

Kulanka oo ahaa mid albaabada u xiranyahay waxa ay ka wada xaajoonayaan sidii loo dheeli tiri lahaa wax soo saarka suuqa naftada.

Hogaamiyaasha OPEC ayaa toddobaad yadii la soo dhaafay lahaa kulamo  xiriir ah oo looga gollahaa ballaarinta heshiis bishii Hore madaxdaasi ay ku gaareen dalka Al-jeeriya kaa oo khuseyay sidii loo dhimi lahaa sicirka naftada  dowladaha Ku bahoobay OPEC

Waa heshiiskii ugu horeeyay oo nuuciisa ah tan iyo sanadkii 2008,kaas oo wax badan ku kordhiyay suuqyada Caalamiga ah ee Iibka naftada

Shirkaan Istanbul waxaa uu ahaa mid ka dhinac socday shir caalami ah oo Madaxda OPEC ay ku lahayeen Turkiga

Shirka wasiirada ayaa la filayaa in ay ka soo baxaan wax uun qodobo dhaxal gal ah oo wax ka badalla Sicirka Naftada Waddamada Naftada dhoofiya .

Goobjoog News