U bood dhigaalka

Daraasad: 30-daqiiqo oo Jimicsi ah Waxay Kaa Ilaalisaa ‘Cimri Degdegga’

Sheeko:Caafimaadka

Daraasad cusub oo caalami ah oo maanta soo baxday ayaa sheegaysa in dadka maalintii 30-daqiiqo jimicsi sameeyaa  muddo 5 maalmood ah Isbuucii ay koobayso khatarta geerida degdegga ah iyo cudurada wadnaha.

Daraasaddan oo soo baxday maanta oo Jimce ah lagu faafiyay Lancet medical journal, ayaa waxaa  ka qeybgalay 130 kun oo qof oo ka kala tirsan 17 dowladood oo ka kooban  dowlado qani ah iyo kuwo kale oo faqiir ah, shaqada jirka laga qabtaa waxay kordhisaa cimiriga qofka,  cudurada wadnahana way xadiddaa, qof ha tago goobaha lagu jimicsdo sida gym-ka ama  yaanuu tagin, shaqada marka uu aadayo ha u socodo, howsha guriga ha qabto, sida; inuu dharkiisa dhaqdo ama beerta guriga ku taalla uu waraabiyo.

Cilmibaarayaasha oo uu hoggaaminayay Scott Lear oo ah dhakhtar cudurada wadnaha oo ka tirsan cosbitaalka St. Paul’s Hospital ee dalka Canada ayaa yiri, mudada uu aadanuhu jirka ka shaqeeyaa waxay saameyn ku leedahay noloshiisa, oo markasta oo uu waxqabto waxaa sii yaraaneysa khatarta cudurada wadnaha iney ku dhacaan amaba inuu xilli hore geeriyoodo, “Ma jirto khatar kaa soo gaareysa marka uu jirkaagu shaqo badan qabto”, waxana daraasadda lagu sheegay in 41-saacadood oo jimicsi ah ama shaqo kale oo gacanta laga qabta ah ay qofka ku filan tahay Isbuucii.

Cudurrada wadnaha ayaa ah sababta ugu badan ee geerida degdegga ah dadka ku keenta, culeys dhaqaale oo baaxad lehna ku noqota, waxaa u dhintay sanadkii hore 2016,  9.48-milyan oo qof daafaha dunida.

 Ugu dambeyn, Lear ayaa sheegay “In 30 daqiiqadood la socodo ugu yaraan inta badan maalmaha Isbuuca waxay leedahay faa’idooyin aan lasoo koobi karin oo dhanka jirku uu ka helyo, taas oo khatar badan oo kugu soo waajahan ka hortagaysa. Dadka faqiirka ah ee adduunka si ay dawooyinka qaaliga ah uga gaashaantaan, ayaa loo sheegay iney muhiim u tahay  iney socod badan sameeyaan si ay u helaan caafimaad oo lacag la’aan ah.