U bood dhigaalka

Daraasad Cusub: Quraac La’aanta Waa Loo Dhintaa

Sheeko:Caafimaadka

Daraasad cilmiyeed cusub ayaa sheegaysa in raashinka quraacda oo la iska dhaafo ay sababi karto xididadda dhiigga oo xirma isla markaana ay ka dhalaneyso geeri xilli hore ah.

Daraasaddan oo natiijadeeda lagu faafiyay joornaalka mac’hadka caafiimaadka wadnaha ee dalka Mareykanka, ayaa cilmibaarayaashu ay arkeen dhibaato baaxad leh oo soo gaartay halbowlayaasha dhiigga dadka quraacda aan cunin, iyadoo saameynta dhibaatadu ka sii muuqaneyso xataa markii la daaweeyo qofka.

Daarhaggan cusub ee cilmibaarista ayaa la rajeynayaa inuu wax  badan ka tarto xakameynta cudurada wadnaha oo muddooyinkii dambe noqday dilaaga ugu ba’an ee aadanaha galaafta.

Ururka caafimaadka adduunka ayaa horey u sheegay in 17 milyan iyo 700 kun oo qof ay naftooda ku waayeen sanadkii 2015 cudurada wadanaha iyo xidida halbowlayaasha dhiigga la xiriira.

Valentin Fuster oo ah maamulaha isbitaalka Mount Sinai ahna tifaftiraha joornaalka mac’hadka caafimaadka ayaa yiri:

“Dadka aan quraacan, waxay ku nool yihiin caado aan caafimaad ahayn”, waxaa kale oo uu sii raaciyay “Quraac la’aantu waa caado xun, waxaa habboon inaad iska deynno, si aan uga fogaanno cudurrada wadnaha ku dhaca.”

Daraasaddan ayaa waxaa ka qeybgalay 4 kun oo shaqaale ah oo ku nool dalka Spain oo si gaar ah loola socday xaaladooda caafimaad muddo 6sano ah.

Natiijadu dadkii darasadda ka qeybgalay ay noqotay in 25% ka mid ah ay qaadanayeen quraac wanaagsan, 70%  qof ay qaadanayeen quraac iska caadi ah,  halka inta soo hartay oo 5% ay quraac la’aan ku baxayeen subax kasta.

Waxaa kasoo baxday cilmibaarista in qolooyina ugu dambeeya ee quraac la’aanta ah aaney caadadoodu habbooneyn oo mid caafimaadna aaney ahayn, cudurada wadnaha iyo kuwa ku dhaca halbowlayaasha dhiigana ay u nugul yihiin.

Si kastaba, waxaa habboon inaan iska ilaalinno quraac la’aanta oo aan u wanaagsaneyn, nafteenna iyo nolosha oo sida la sheegayna geeri nafteenna u keeni karta.

Goobjoog News