U bood dhigaalka

Daraasad: Sababaha Ugu Badan ee Dadka Dunida U Geeriyoodeen 2016

Sheeko:Caafimaadka
Saddex xagalka dagaaladda, cayilka iyo cudurada dhanka maskaxda oo ayaa hor kacaya sababaha dadka ugu badan ay dunida u geeriyoodaan 2016. Waana sida lagu sheegay daraasad heer caalami ah oo cinwaankeedu yahay “Culeyska Cusuddarradu ay dunida ku hayaan”.

Daraasaddan ayaa muujineysa cudurrada Wadnaha iyo kuwa ay ka dhasha sigaarka iyo tubaakada ayaa galay heerka u dhigama dhimashada ay keenaan dagaallada sanadkii 2016.

Halka ay sababta raashin xumida iyo cudurada dhanka caqliga ay noqdeen kuwa ugu daran ee ay dadku la dhibaatoonayeen sanadkii 2016.

Daraasaddan oo ay ka qeybgaleen 2500 oo cilmibaare oo ka kala socda 130 dowladood, waxayna soo saareen natiijadan hoos ku qoran:-

1 – Rashin xumada iyo buurinida ayaa sambaba 1/5 geerida dadka, waana mid ka mid ah shantii xaaladood dadyowga dunida.

2 – Tubaakada iyo sigaar cabistuna waxay galaafteen 7.1 milyan oo qof 2016.

3 – Cudurada aan faafin waxay sababeen 72% boqolkiiba xaaladaha geerida adduunka, sida cudurada wadnaha, xididada la xiriira iyo sokorta. halka cudurrada wadnuhu ay sababeen geerida xilliga hore, iyadoo ay u dhinteen inta la xaqiijiyay 9.48 milyan oo qof daafaha dunida.

4 –  1.1 bilyan oo qof ayaa waxaa haya cudurada dhanka Nafsiga ah iyo kuwa qabatinka daroogada.

5 –  Waxaa aad ubadan 2016 dadka ku geeriyooday dagaallada iyo colaadaha.