U bood dhigaalka

Daraasad: Waxbarashada oo Muddo Dheer lagu Jiraa Waxa ay Yareysaa Khatarta Cudurrada Wadnaha

Sheeko:Caafimaadka

Khubarada daraasaddan sameeyay ayaa sheegaya in dadka wakhti dheer ku qaata waxbarashada ay ku yaryihiin cudurada wadnaha, dhiigfuranka maskaxda iyo wadna-istaagga.

Waxayna cilmibaarayaashu ay baareen 162 isbedel dhanka hida side oo si joogto ah xiriir ula leh waxbarashada. iyadoo habka jirka aadnaha uu la jaanqaadayo waxbarashada.

Natiijadii kasoo baxday cilmibaaristan oo lagu soo daabacay wargeyska Thabric Medical Journal, ayaa lagu sheegay in muddo dheer oo waxbarashada lagu jiraa ay yareynaso khatarta cudurada wadnaha si aad u baaxad leh.

Koox cilmibaarayaal caalami ah  oo ka tirsan jaamacadda London, jaamcadda Lausanne ee Switzerland, jaamacadda Oxford ayaa waxay daraasad ku sameeyay isbedelka hidde-sidaha 543 kun iyo 733 qof oo rag iyo dumar Yurub ku nool.

Waxayna cilmibaarayaashu heleen in 3.6 sano oo waxbarashada lagu sii jiraa ay yareynayso 1/3 khatarta iney kugu dhacaan cudurada wadnaha. Waa muddo ka dheeraad ah muddo jaamacadeedka caadiga ah.

Daraasaddan ayaa waxaa ka qeybgalay 543733 rag iyo dumar ah oo Yurub daafaheeda kala duwan ka tirsan, waxaana ka soo baxday mar kasta oo wakhti badan lagu qaato waxbarashada iney sii yaraneysa khatarta dhanka cudurada wadnaha iney kugu dhacaan.

Daraasaddan ayaa waxay faa’ido farabadan u leedahay dalalka sida xoogga leh cudurada wadnaha ay dadkoodu ugu dhintaan oo dunida inteeda badan ah, iyadoo sanad kasta dalka Ingiriiska oo kaliya ay u geeriyoodaan 70 kun oo qof cudurada wadnaha.

Goobjoog News