U bood dhigaalka

Dawladda Imaraadka Carabta Oo Qaaday Qaar Ka mid ah Dadkii ku Dhaawacmay Qaraxii Zoobe

Sheeko:Dalka

Dawladda Imaraadka Carabta ayaa maanta qaaday qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Zoobe ka dhacay 14kii bishan kaasi oo ay dad badan ku dhinteen kuwa kalena ay ku dhaawacmeen.

Diyaarad caafimaad oo ay soo dirtay  dowladda Imaraadka ayaa lagu qaaday dadkaan oo dhaawacyo  kala duwan ay ka soo gaartay Qaraxii Muqdisho ka dhacay dhawaan.

Masuliyin katirsan Safaaradda iyo Bisha Cas ee Imaraadka Carabta ayaa garoonka Aadan Cade kusii sagootiyay dhawacyada iyadoo qof walbina ay la socdeen mid kamid ah Ehelkiisa.

Wasarada caafimaadka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Fowsiyo ayaa uuga mahadcelisay Dowladda Imaraadka gurmadka ay u sameyeen Dadka soomaaliyeed eek u wax yeeloobay Qarixii Soobe, iyo Garab isataga ay u muujiyeen Shacabka iyo Dowladda Soomaaliya xiligaan adag.

Dawladda Imaraadka Carabta ayaa Maamlmo ka hor soo gaarsiiyay  Magalada Muqdisho Diyaarad Deeq Dawo iyo Qalab Caafimaad isugu jirta oo loogu talagalay caawinta iyo Daaweynta dadkii ku dhaacmay Qaxrii Soobe.

Dowladda Imaraadka Carabta ayaa ka mid ah Wadamada Soomaaliya usoo gurmaday Markii uu dhacay Musiibadii Qaran ee dadka badan kudhinteen.

Dowladda Imaaraadku waxa ay ballan qaaday in ay Dalka Gudihiisa iyo Dibadiisa ku daaweyso 100 ka mid ah Dhacwacyadii Qarxii Soobe, iyo in ay Daryeel u fidiyaan muddo lix bil ah 300 oo Qoys oo ka mid ah Agoontii Qaraxa muddo lix bilood ah.

Goobjoog News