U bood dhigaalka

Dawo Loo Isticmaalo Dhiig joojinta Oo Hargeisa La Geeyay

Sheeko:Caafimaadka

Shirkado ka ganacsada iibinta dawooyinka iyo qalabka caafimaadka  ayaa markii u horraysay  magaalada Hargeysa ka bilaabay dawooyin budo ahoo  loogu talo galay dhiig joojinta dadka waxyeeladu soo gaarto.

Dawadan oo lagu magacaabo  Hemostatic powder waay wax ka taraysaa joojinta dhiiga xilliyada sida qaliinka lagu sameeyo jirka qofka iyo  dhiig-baxa , waxayna shirkadda  Q-unit Medical Group oo ah shirkad waddani ahi ay sheegtay in ay tayo ahaan la hubiyey.

Waqtigada dhallmada ee  haweenka ayaa lagu sheegay inay tahay  dawadani ta ugu muhiimsan ee wax ka qaban karta ,  agaasimaha shirkaddan Dr Mustafe Cabdi  oo wada shaqana la leh wasaarada caafimaadka ee maamulka Somaliland ayaa sharaxaya shaqada dawadan

“ dawadani waxa ay aad muhiim u tahay isticmaalka xaaladaha degdeg ah tusaale ahaan qof shil galay ama aad u dhiig baxaya iyo qaliimada culus sida qaliinka hooyooyinka uurka leh (C-section ) . waxay   leedahay falgal degdeg ah oo suurto galinaya in dhiigu ku joogsado wax ka yar 2 mirir iyo in boogtii nabarka ee qaliinka lagu sameeyay ay noqoto meel muuqaalkeedu saafi yahay oo aanay ka muuqan wax dhiiga oo dibada u soo baxaya “

Deegaanada maamulka Somaliland  dhiig-baxa ugu badan ee dadka soo waajaha ayaa ah ka  ka dhasha shilalka gaadiidka iyokan kale oo hooyooyinka waqtiyada qallimada uurka kuwaasi oo in badan sababa dhimasho.

Cabasho badan oo laga sheegtay  tayada guud ee  goobaha caafimaadka iyo dawooyinka la keeno  Somaliland  ka dib ayuu madaxweyne Axmed Siilaanyo uu magacaabay guddi ka shaqanaysa hubinta tayada dawada iyo aqoonta dadka ka shaqeeya goobaha caafimaadka  kuwaasi oo lagu magacaabo  guddida mihnadlayaasha caafimaadka Somaliland .

Guddidan ayaa waqtiyo kala duwan soo bandhigtay warbixino la xiriira shaqadooda oo ay ka mid yihiin goobo ay tayo xumo u xireen ,  waxayna taasi keentay in dad badani ku dhiiradaan aaminaada shaqada ay waqtigan goobaha caafimaadku qabtaan.