Deegaannada Puntland Oo Laga Bilaabayo Talaalka Cudurka Jadeecada
Wasaarada caafimaadka Puntland ayaa sheegtay in dhowaan ay deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo ka bilaabi doonaan talaalka cudurka Jadeecada.
In ka badan Hal Milyan oo carruur ah, kuna nool deegaannada Puntland ayeey wasaaraddu sheegtay in laga talaali doono Jadeecada.
C/naasir Cismaan Cawke, wasiirka caafimaadka Puntland ayaa sheegay in Lixdii bil ee ugu dambeysay loo soo sheegay 1,800 kiis oo cudurkaasiย ah.
Waxa uu wasiir Cawke ku baraarujiyey waalidiinta iney ka qeybqaataan talaalka cudurka Jadeecada.
โMacquul ma ahan in talaalkii oo yaalla ay carruurteena u dhintaan sabab la xiriirta Jadeecada, carrurteenna aan talaalanno si aan u badbaadsannoโ ayuu yiri wasiirka.
Cudurka jadeecada ayaa kamid ah cudurada dilaaga ah, waxaana la sameeyaa dedaal badan oo lagaga hortagayo.
Goobjoog News