U bood dhigaalka

Dhaawacyada 7 Qof Oo Shacab Ah Oo La Gaarsiiyay Isbitaalka Degmada Baardheere, Gedo

Sheeko:Dalka

Ku dhowaad 7 qof oo ku dhaawacmay duqeymo diyaaradaha dagaalka Kenya ay ka geystay Gobalka gado ayaa maanta la gaarsiiyay degmada Baardheere.

6 qof ayaa Goobjoog loo xaqiijiyay in duqeymahani ay ku dhaawacmeen kuwaasoo ka dhacay degaanka Tarako ee gobolka Gedo, waxaana loo soo qaaday dhinaca Baardheere.

Dadka qaar ayaa xaaladdooda aad looga deyrinayaa waxaana dhici karta in Muqdisho loo soo qaado.

Saraakiisha gobolka Gedo ayaa sheegay in Diyaaradaha dagaalka Kenya ay duqeyntani ka dambeyeen islamarkaana xaaladda ay maanta deggan tahay.

Nabadoon Faarax Hire Guhaad oo ka tirsan waxgaradka Baardheere ayaa Goobjoog u sheegay in kulan maanta ay ku yeesheen degmadaasi ay ku dhaliileen dowladda Kenya.

Goobjoog News