U bood dhigaalka

Dhageyso: Aqoon-yahanno Ka Hadlaya Sida Looga Hortagi Karo Abaaraha

Sheeko:Dalka

Dood ku saabsan abaaraha dalka ka jira iyo sida looga hortagi karo ayaa maanta lagu soo bandhigay Telefishanka Goobjoog.

Dooddan oo ay ka qeyb-galeen Cabdi Axmed Baafo wasiirkii hore beeraha iyo xubin ka tirsan guddiga abaaraha, Prof. Cabdulahi Axmed Bariise oo ah guddoomiyaha jaamacadda City University PhD-na ka diyaariyay waxbarashada tacliinta sare, Dr. Yusuf Axmed Hiraabe oo ah guddoomiyaha Jaamacadda Daar Al-Xikma oo isaga PhD ka diyaariyay waxbarashada iyo  Cabdikarim Diir Axmed oo ah Dhiinka kuliyadda beeraha ee Jaamacadda SIU ayaa si fiican looga dooday sida looga hortagi karo abaaraha

Hadaba Dooddii Halkan Kala Soco, Akhris Iyo Dhageysi:

Cabdi Axmed Baafo

Cabdi Axmed Baafo  oo ah xubin ka tirsan guddiga abaaraya ayaa Goobjoog u sheegay in illaa hadda ay qabteen 2 Milyan, maamul goboleedyana ay horay u gaarsiiyeen min $150,000 hadana ay bilaabayaan qeybtii labaad, isaga oo intaa raaciyay in lacagahaas ay ka heleen shacabka, ganacsatada iyo qurbojoogta.

Mr. Baafo waxaa uu sheegay in abaarta sameynteeda ay muddo socon doonto, iyadoo dadkii soo barakacay ay adag tahay in ay dib u noqdaan taasi oo keeni karta in tuugsiga bato, amniga xumaado, waxaa uu soo jeediyay in dadkaas lagu caawiyo goobta ay joogaan.

Prof. Cabdulahi Axmed Bariise:

Prof. Cabdulahi Bariise waxaa uu sheegay in abaaraha u kala baxaan labo: mid roobka oo yaraada la xiriirta iyo biyaha oo yaraada, biyo dhulka hoostiisa ah ama biyaha dhulka korkiisa  socda, labadaas marka ay yaraadaan waxaa ay keentaa abaaro, haddii aan laga hortagin waxaa timaada abaar, isagoo intaa raaciyay in ay jiro sababihii ay abaar isku badali laheyd macluul.

Dhirta la gooyo, hawada la wasaqeey oo dhibaatada ay soo gaaraan wadamada soo koraya, waxaa kalaoo uu sheegayaa in kuleyl dhacayo oo abaaro dhacaan ama roobab daadad wato ay yimaadaan, arrimo diini ah sida Zako aan la bixin, in aan la isu naxariisan, miisaanka la xumeeyo oo khiyaano timaado, waxaa ku tarsami kara nabadgalyo xumo.

Ugu dambeyntii Mr. Bariise waxaa uu soo jeediyay in lagu dadaalo dallaga iyo caafimaadka xoolaha, lana keydiyo biyaha , Maareynta hantida guud oo la diyaariyo mashaariic sida jidad si looga fogaado abaarta.

Dr. Yusuf Axmed Hiraabe:  oo guddoomiyaha Jaamacadda Daar-Xikma waxaa uu ka hadlay sida abaarta u dhibaateysan Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in abaarta Soomaaliya ay gaartay macluul, ka hortagga waxaa uu sheegay in loo baahnaa in qaran ahaan loo fakiro iyo umad ahaan, isagoo soo qaatay in xoolo, iyo kaluun dalkeena laga helaayo oo aan la ogeyn.

Cabdikarim Diir Axmed

Cabdikarim Diir Axmed oo ka tirsan SIU, Hormoodna ka ah kuliyadda  beeraha ayaa sheegay in abwaannadii Soomaaliyeed ay horay uga gabyeen inta aanay iman qaramad midoobey isaga oo soo qaatay in abaarta ay keeni karto dagaal, waxaa uu la yaabay sababta 2 miylan oo keliya loo uruuriyay halka doorashada ay lacag badan ku baxeen.

Wareysiga Waxaa Qaaday:  Cabdiweli Jaamac Barre

Dhageyso Wareysiga Oo Dhameystiran: