U bood dhigaalka

Dhageyso: Ahlu-sunna Oo Soo Dhoweysay Shirka Kismaayo

Sheeko:Dalka

Maamulka Ahlu-sunna ee gobollada dhexe ayaa soo dhoweeyay shirka maamul goboleedyada uga socda magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

Ku xigeenka hoggaamiyaha maamulka Ahlu-sunna ee gobollada Dhexe Cabdullaahi Xirsi Diirshe Daacad oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in madaxda maamul goboleedyada ay qaateen go’aan wanaagsan oo ah in wixii Soomaali dhexdeeda ah ay ka tashadaan.

Maamulkooda ayuu sheegay inuu goob joog ka yahay shirkaan, ayna u arkaan shirka Kismaayo mid miro dhalkiisa wax badan ay ka faa’idi doonaan shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Cabdullaahi Xirsi ayaa soo hadal qaaday aqoonsi la’aanta maamulkooda ee dowladda dhexe, wuxuuna sheegay in muhiim ay tahay oo kaliya iney iyagu is aqoonsan yihiin, wixii dhimanna ay imaan doonaan.

Ahlu-sunna ayaa ka talisa degmooyin iyo deegaanno kamid ah Galgaduud, waxaana weli jirin heshiis rasmi ah oo ay la gaareen maaamulka Galmudug.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News