U bood dhigaalka

DHAGEYSO: Dowladda Oo 42 Arday Waxbarasho Ugu Qaadeysa Shiinaha

Sheeko:Dalka

Wasaaradda waxbarashada xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in dalka Shiinaha ay waxbarasho ugu qaadi doonaan 43 arday oo kamid ah ardaydii ugu sarreysa ee Imtaaxaankii shahaadiga ee dugsiga sare 2016-2017.

Wasiirka wasaaraddaasi C/raxmaan Daahir Cismaan oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay iney ku dedaalayaan sidii ardayda Soomaaliyeed u heli lahaayeen waxbarasho bilaash ah, kana timaada dalka dibaddiisa.

Waxa uu tilmaamay wasiirka in 22 jaamacadood oo ku yaalla Shiinaha ay qaabili doonaan ardaydaan, kuwaasi oo kulliyado kala duwan dhigan doona.

Wasiirka ayaa balaqaaday in aan wax musuq ah lagu sameyn doonin deeqaha waxbarasho ee loogu talogalay ardayda Soomaaliyeed.

“Dowladda Shiinaha waxay soo gabagabeysay codsigii ardayda Soomaaliyeed ee ke heshay deeqa waxbarasho dalkaasi, waxaa la aqbalay 42 arday waxaa la diiday 1 arday oo shuruudda soo buuxin waayay, qarashka Tikidhada waxaa bixinaya Shiinaha, waxbarashudu waxay bilaabaneysaa 1-da September, ardaydu waxaa looga baahan yahay iney u diyaar garoobaan oo Baasabooradooda iyo dukuumintiyada caddeynaya iney iyaga yihiin la tagaan wasaaradda waxbarashada, lagana doonayo iney arrintaasi sameeyaan 11-ka bishan, waxaa la qiyaasayaa ardayda iney baxaan inta ka horreysa bisha September 1-deeda, wasaaradda waxay fududeyn doontaa Viisaha lacagta fiisahana ardayda iyaga ayaa iska bixin doona” ayuu yiri wasiirka.

42-ka arday ee loo qaadi doono dalka Shiinada 7 kamid ah waa gabdho, halka inta kale ay yihiin wiilal.

Goobjoog News