U bood dhigaalka

Dhageyso: Dowladda Oo Loogu Baaqay Iney Jawaab Ka Bixiso Qaraxii Zoobe

Sheeko:Dalka

Aqoonyahan Maxamed Maxamuud oo kamid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka dibaddiisa ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya in jawaab sax ah ay ka bixiso qaraxii shacabka badan lagu laayay ee Sabtidii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in dowladda hadda laga doonayo iney maxkamad soo taagto cid walbo oo ku lug leh qaraxan, waliba wuxuu si gaar ah carabka ugu dhuftay cidda kasoo gudbisay Koontaroolkii gaarigaasi kasoo gudbay.

Sidoo kale aqoonyahankan ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed laga doonayo iney gacan xooggan siiyaan ciidamada ammaanka.

Dhanka kale, aqoonyahan Maxamed Maxamuud oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dowladda Federaalka Sidoo kale laga doonayo iney qaaddo dagaal saf ballaaran ah oo Al-shabaab dalka looga saarayo.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News