U bood dhigaalka

Dhageyso: Farqiga u Dhaxeeya Go’aankii Xukuumadda Ee Dhiibista Qalbi Dhagax Iyo Qaraarkii Golaha Shacabka Ka Gaaray Arrintaasi

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ka aragti dhiibtey farqiga u dhaxeeya go’aankii xukuumadda ka qaadatay dhiisbitii Qalbi Dhagax iyo sidoo kale qaraarkii shalay baarlamaanku ansixyey ee ku aadan arrinta Qalbi Dhagax.

Mudanayaashan oo la hadlay Goobjoog News ayaa soo dhoweeyay qaraarkii golaha shacabka, waxaana ay sheegeen in dalka uu leeyahay baarlamaan ka hortaga qalad walbo oo dhacaya ama la galay.

Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo kamid ah mudanaayashan la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in go’aaanka Labada dhinac wax badan ku kala duwan yihiin, isaga oo sheegay go’aankii xukuumadda ka qaadatay arrinta Qalbi Dhagax uu ahaa mid qalad ah, oo lagu xalaaleynayo dhiibistiisa.

Sidoo kale, xildhibaannadan ayaa sheegay in lasii wadi doono baaritaanka ku aadan arrintan oo madaxda xitaa wax badan la weydiin doono.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News