U bood dhigaalka

Dhageyso: Gaas Muxuu Ka Yiri Go’aankii Lagu Kala Direy Wasiiradiisa?

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo saxaafadda kula hadlay magaalada Garoowe ayaa ka hadlay go’aankii baarlamaanka maamulkaasi ay kalsoonida ugala noqdeen golaha wasiirada ee maamulkaasi.

C/weli Gaas ayaa sheegay in baarlamaanka go’aankii maanta ay qaateen uu ahaa qodob Dastuuri ah, islamarkaana isagana uu aqbalay, sida Dastuurka Puntland uu qabana u mari doono soo magacaabista wasiirada cusub.

“Waxay I faraysaa midan madaxweyne ahaan  inaan golaha xukuumadda kusoo dhiso mudada uu ii ogolyahay Dastuurka aniga oo la tashanaya madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland” ayuu yiri Gaas.

Sidoo kale C/weli Gaas ayaa ugu baaqay shacabka Puntland iney ka shaqeeyaan amniga oo ay ka qeybqaataan wax walbo oo wanaag ah.

Baarlamaanka Puntland ayaa maanta codka kalsoonida ah kala laabtay golaha xukuumadda Puntland, kadib markii ay ku eedeeyeen waxqabad la’aan.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka madaxweyne Gaas.

Goobjoog News