U bood dhigaalka

Dhageyso: K/galbeed Oo Hub Ku Wareejisay Mukhtaar Roobow

Sheeko:Dalka

Maamulka K/galbeed ayaa sheegay in hub ay ku wareejiyeen Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur sidoo kalena ay ciidan u geeyeen si ay uga difaacaan Al-shabaab.

Afhayeenka maamulkaan Nuuradiin Yuusuf Abukar oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in ciidamada dowladda Federaalka  iyo kuwa K/galbeed ay hadda ku sugan yihiin deegaanka Abal ee lagu dagaallamay.

Waxa uu tilmaamay Afhayeenka in ciidamadan Abal gaaray ay lasii dagaallami doonaan Al-shabaab, ayna tagi doonaan deegaanno hor leh, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Al-shabaab ayuu sheegay in la gaaray waqtigii lasoo afjari lahaa, tanina ay noqon doonto fursaddii ugu dambeysay ee maamulkooda soo marta si ay Al-shabaab uga saaraan goballadooda waa sida uu  hadalka u dhigaye.

Halkaan hoose ka dhageysi wareysiga

Goobjoog News