U bood dhigaalka

Dhageyso: Khasaare Ka Dhashay Dab Xalay Ka Kacay Suuqa Bakaara, Muqdisho

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dab habeenkii xalay ahaa ka kacay suuqa weyn ee Bakaaraha, kaasi oo geystay khasaare Hantiyeed.

Dabkan ayaa kacay abaare 11-kii fiidnimo (Shan Saac) ee xalay, wuxuuna ka kacay qeybta Kabaha ee Suuqa Bakaaraha, isaga oo ku fiday qeybta sarifka.

Mid kamid ah ganacsatada Kabaha ee Suuqa Bakaaraha ayaa u sheegay Goobjoog in dabka uu ka kacay Koronto, islamarkaana uu dhulka dhigey Labo dabaq oo halkaasi ku yaalla, kuna xareesnaayeen alaab ganacsi oo badan.

Gaadiidka dab damiska ayaa ku guuleystay ugu dambeyn abaare 3-dii (Sagaal saac) in guud ahaan la damiyo dabkaasi, welina lama tiro koobin hantida gubatay inta ay la egtahay.

Tiro Saddex jeer ah sanadkaan 2017 suuqa Bakaaraha waxaa ka kacay dab sababay khasaare hantiyeed.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News