U bood dhigaalka

Dhageyso: Maamulka Hirshabelle Oo Sheegay Iney Ka Qeybgalayaan Shirka Kismaayo

Sheeko:Dalka

Maamulka Hirshabelle ayaa shaaciyey in ay ka qeybgali doonaan shirka maamul goboleedyada ee la qorsheeyay in maalinta Axadda ah uu ka furmo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

Maxamed Shiino oo ah afhayeenka maamulkaasi ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in wafdi horudhac u ah madaxweynaha maamulkaasi ay gaareen Kismaayo, saacadaha soo aadanna uu Madaxweyne Waare tagi doono Kismaayo.

Waxa uu tilmaamay in madaxweynaha Hirshabelle uu diyaar u yahay inuu joogo gogol walbo oo xal loogu raadinayo xaaladda Soomaaaliya.

Maamulka Hirshabelle ayuu sheegay inaanu wadan ajende u gaar ah, balse ay tixgelinayaan gogosha uu dhigay madaxweyne Axmed Madoobe, islamarkaana ay ka hadli doonaan wax walbo oo miiska wadahadalka lasoo saaro.

Kismaayo waxaa hadda ku sugan madaxweynaha maamulka K/glabeed, waxaana la filayaa iney tagaan madaxda kale ee maamul goboleedyada.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News