U bood dhigaalka

Dhageyso: Madaxweyne Cosoble Oo Lagu Eedeeyay Siyaasad Xumo

Sheeko:Dalka

Xildhibaan ka tirsan Hirshabeelle ayaa sheegay in madaxweynaha maamulkaasi uu cagta saaray fashil siyaasadeed.

Xildhibaan Nuur Xaashi Warsame oo saaka la hadlay Goobjoog FM ayaa sheegay in madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble uu sameeyay wax aan u wanaagsan wada noolaanshiyaha dadka reer Hirshabeelle.

Waxaa uu sheegay in magacaabista Madaxweyne Cosoble ee degmooyinka ka tirsan gobolka Hiiraan ay tahay mid abuurtay tashwiish dadweyne oo maamulka ka dhan ah.

Xildhibaanka ayaa sheegay in baarlamaanku uu awood u leeyahay ansixinta degmooyinkaasi islamarkaana madaxweynaha ay ku celin doonaan.

Xildhibaan Nuur Xaashi Warsame, oo qadka telefoonka aan kula hadalnay isagoo jooga magaalada Jowhar ayaa ugu horreyn su’aalay tallaabada uu madaxweynaha ku magacaabay degmooyinka sida uu u arko.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News