U bood dhigaalka

Dhageyso: Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadlay Dadka Mucaarada Dowladda

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ioo xalay ka qeybgalay kulan ka dhacay Muqdisho oo loogu magac daray nabadeynta degmooyinka ayaa ka hadlay arrimo badan.

Waxyaabaha uu soo hadal qaaday waxaa kamid ah mucaaradka dowladda oo uu sheegay ineysan ahayn kuwo hadda bilaabay ee ay jireen dowladdii isaga ka horreysay ee uu hoggaaminayey Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu tilmaamay Farmaajo in ragga hadda isaga mucaarada dowladdiisa qaarkood ay Afar Sano kahor markii lasoo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh lasoo hadleen, una sheegeen in dowladda la mucaaradayo isna uu kasoo qeybgalo, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxcaan caawa idiin la wadaagayaa arrin sir ah, waxa aad hadda arkaysaan Afar sano kahor waa ay jirtay, dowladdan tii ka horreysay iyadoo 6-bil jirto ayaa la ila soo hadlay oo la i yiri waa la mucaaradayaa dowladdaas ee kasoo qeybgal, oo waxaan ku iri dowladdan Lix bil ayeey jirtaaye maxay sameysay oo lagu mucaaradayaa, dadka howshaan hadda ku jiro qaarkood markaas waa ay ku jireen, waxaan kula taliyey oo ilaahay hortiisa ah oo aan ku iri dowladda waqti hala siiyo, sanado hala siiyo..lugaha iyo tafaha yaan la qaban dowladda” ayuu yiri madaxweynaha.

Waxaa jira siyaasiyiin aan la dhacsaneen hannaanka hadda ku shaqeyso dowladda Federaalka, kuwaasi oo warbaahinta ka sheega talooyinka ay u arkaan in wax lagu qaban karo, ama isbedal lagu keeni karo.

Goobjoog News