U bood dhigaalka

Dhageyso: Madaxweyne Xaaf “Waa Muhiim In La Tirokoobo Barakacayaasha”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa sheegay iney muhiim tahay tirakoob lagu sameeyo qoysaska abaaruhu saameeyeen, kahor inta aysan soo gaarin Galmudug gargaar loogu talogalay in lagu caawiyo kumanaanka qoys ee abaartu ku saameysay gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Xaaf in si loo kala ogaado dadka abaarta ku xoolo beelay iyo kuwa colaadda uga soo cararay deegaannada ay ku noolaayeen in lagama maarmaan ay tahay helitaanka tirakoob lagu sameeyo bulshada kuwooda liita ee gargaarka u baahan.

Xaaf ayaa sidoo  kale sheegay in dadka taakuleynta u baahan ee ku nool Galmudug in ay isugu jiraan kuwo abaarta ku xoolo beelay iyo qoysas colaad uga soo cararay deegaannadii ay ku noolaayeen sida Xeraalle oo kale oo dhowaan ay ka dhaceen dagaalklo, welina dadkii ku noolaa bannaanka ay ka joogaan.

“Waxaa lagama maarmaan ah sidii aan usoo tirakoobi lahayd dadka barakacayaasha..si aan u ogaanno dadka barakacayaasha waxa ay dhan yihiin, wey kala jiraan kuwo xoolo ka dhammaaday iyo kuwo tusaale Xeraalle kasoo qaxay, waa kala Labo, midna waa KMG midna waa in xoolo loo abuuro mooyee meel ay ku laabanayaan maleh, marka Labadooda in laga warqabo ayaa loo baaahan yahay, waan dedaaleynaa abaartana ilaahay ha inaga saaro” ayuu yiri Madaxweynaha.

Deegaannada Galmudug waxaa aad us aameeyay abaarta dalka ka jirta, waxaana jira dad badan oo deegaannadaasi abaar darteed ugu dhintey.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News