U bood dhigaalka

Dhageyso: Qalabeynta Ciidanka Isku Dhafka Ee Mudug Oo Heer Gabogabo Ah Mareysa

Sheeko:Dalka

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar Camey ayaa sheegay in dhammaad uu marayo qalabeynta ciidanka isku dhafka ah ee loo sameeyay magaalada Gaalkacyo ee gobola Mudug.

Camey ayaa sheegay in ciidamadan hadda lagu wareejiyey gaadiid ay ku shaqeeyaan, ayna si ramsi ah howlgallo uga bilaabi doonaan magaalada Gaalkacyo iyo deegaannada kale ee gobolka Mudug.

Waxa uu madaxweyne ku xigeenka Puntaland ugu baaqay shacabka ku dhaqan gobolka Mudug iney la shaqeeyaan ciidamadan loo sameeyay ka shaqeynta nabadda gobolkaasi, si loo soo afjaro colaadaha ragaadiyey deegaannada gobolkaasi.

Dhanka kale, waxa uu sheegay Injineer Camey iney isku keeni doonaan odoyaasha iyo waxgaradka Labada dhinac si ay u hoggaamiyaan wadahadallo dhexmara maamullada Labada dhinac.

Ciidanka isku dhafka ah ee gaaraya 100-ka askari, kana soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug ayaa ku guuleystay markii ugu horreysay iney gacanta kusoo dhigaan maleeshiyaad dil ka geystay deegaanno ka tirsan gobolka Mudug.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News