U bood dhigaalka

Dhageyso: Wararkii Ugu Dambeeyay Xaaladda Deegaannadii Dagaallada Ka Dhaceen Ee Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya deegaanno hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in deganaansho laga dareemay halkaasi, kadib markii shalay iyo xalay ay halkaasi ku dagaallameen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalkan ayaa xooggiisa wuxuu ka dhacay deegaanka Balliga ee gobolka Shaballeha dhexe, waxaana weerarka qaaday ciidanka xoogga dalka oo uu hoggaaminayey abaanduulahooda.

Waxaa jirta cabsi ah in mar kale lagu dagaallamo deegannadan maadaama ay meelaha qaar isku horfadhiyaan ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan xoogga dalka waxay sheegeen in ay Al-shabaab ka saari doonaan deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolka Shabellaha Dhexe.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News