U bood dhigaalka

Dhageyso: Wasaaradda Amniga Oo Faah Faahisay Sababaha Ay u Xirtay C/raxmaan Cabdi Shakuur

Sheeko:Dalka

Wasaaradda amniga gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay sababtii ay u xireen siyaasi C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa waxaa saxaafadda u akhriyey C/casiis Xildhibaan oo ah afhayeenka wasaaraddaasi.

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in mudane Shakuur uu ka dhego adeegay awaamiir ku aadaneyd in la baaro, sidaasi darteedna ciidankiisa ay rasaas kala horyimaadeen ciidamadii howlgalka waday.

Sidoo kale waxaa qoraalkan lagu sheegay in hay’adaha amniga ay gacanta ku hayaan qalab ay sheegeen inuu wax badan ka saacidi doono baaritaanka lagu hayo C/raxmaan Cabdi Shakuur.

“Sidaad la socotaan hay’adaha amniga iyo xeer ilaalinta waxay maalmahan wadeen baaris dambiyo muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu tuhunsan yahay iney maleegayeen falal dambiyeedyo ama qiyaano qaran oo qalqal lagu gelinayo laguna burburinayo nidaamka dowladnimo ee Soomaaliya, waxaa reeban in muwaadin u adeego dano shisheeye oo kasoo horjeeda jiritaanka dowladnimada Soomaaliya, hay’adaha amniga iyaga oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah iyo awaamiir kasoo baxday hay’adaha sharciga ayaa xalay abaarihii 11:30 AM, guri lagu tuhunsanaa in lagu abaabulo falal dambiyeedyada kor ku xusan ayaa hay’adaha amniga markii ay tageen gurigaasi muwaadiniintii guriga joogtay u hoggaansami waayeen awaamiirtii ahayd in la baaro iyadoo la waday warqadihii ruqsadda baarista iyo horgeynta sharciga”

“Guriga waxaa ku sugnaa mudane C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ahaa shaqsigii ama ruuxii ruqsadda loo soo qaatay, wuxuuna si cad uga horyimid fulinta awaamiirtii hay’adaha amniga, kadibna ciidanka ilaalada u ahaa isaga waxya rasaas ku bilaabeen ciidamadii ka socday hay’adaha amniga ee dowladda Federaalka Soomaaliya, bacdamaa uu muwaadinkaan diiday inuu u hoggaansamo awaamiirtii hay’adaha sharciga kalana horyimid dagaal hubeysan, waxay ciidamada ku guuleysteen iney soo qabtaan isaga oo badqaba, sidoo kale waxay hay’adaha amniga la wareegeen qalab la aaminsan yahay in qeyb weyn ka qaadan doonto baarista sharciga waafaqsan”

“Tallaabadaasi waxay hay’adaha amniga u mareen si waafaqsan shuruucda dalka iyadoo la fulinayo awaamiirtii hay’adaha sharciga, muwaadin walbo waxaa waajib ku ah inuu u hoggaansamo sharciga, mana jirto cid ka sarreysa sharciga, kana fogaadaan fal kasta oo keeni kara xadgudub qaanuuneed iyo inuu ka dhasho fal dambiyeed, sidaasi darteed shacbiga waxaan ka codsaneynaa iney la shaqeeyaan hay’adaha amniga iyo fulinta sharciga iyadoo dowladda federaalka Soomaaliyeed ay damaanad qaadeyso xuquuqda muwaadin kasta uu siiyey dastuurka iyo shuruucda dalka, muwaadinkaan wuxuu helayaa baaris hufan, waxaana la horgeyn doonaa maxkamadda awoodda u leh, wuxuuna heli doonaa xukun cadaaladeed”

“Ugu dambeyntii shacabka Soomaaliyeed waxaa loogu baaqayaa iney kaalin ka qaataan amniga iyo nabadeynta  kana fogaadaan fal kasta oo keeni kara xasilooni darro siyaasadeed iyo mid amni, muwaadin walbo waxaa waajibn ka saaran yahay inuu danta guud ee dalka ka hormariyo danihiisa gaarka ah” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka wasaaradda amniga.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Afhayeenka wasaaradda amniga:

Goobjoog News