U bood dhigaalka

Dhageyso: Wasiir Xoosh Oo Sheegay Iney Socdaan Wadahadallo Ku Aadan Dib u Qabashada Shirka Dastuurka

Sheeko:Dalka

Wasaaradda Dastuurka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay iney aad uga xumeed inuu baaqdo shirkii looga hadlayey arrimaha Dastuurka, kaasi oo ka dhici lahaa magaalada Muqdisho.

Wasiirka wasaaraddaasi C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in baaqashada shirkaan ay ka faaa’ideen qibrado badan, hadana ay jiraan wadahadallo iyo sidii mar kale shirkaasi uu ku dhici lahaa.

“Waxaan idiin sheegayaa inaan loo qaadan shirkii waa dhici waayay dhibaato weyn iney tahay, inuu dhaco waan rabnay, laakiin ma dhicin, waxaan qabaa iney tahay horumar weyn oo aan gaarnay haddii shirkii aan qaban qaabinnay inta joojiya nala dhahay aan joojinnay, hadana wadahadallo badan ayaa socda” ayuu yiri wasiir Xoosh.

Maamul goboleedyada dalka ayaa diidey iney ka qeybgalaan shirka Dastuurka oo ka dhici lahaa magaalada Muqdisho, balse dowladda Federaalka ayaa wadda dedaal dib loogu qabanayo shirkaan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News