U bood dhigaalka

Dhageyso: Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Oo Ka Warbixiyey Halka Ay Mareyso Muranka Badda Ee Soomaaliya Iyo Kenya

Sheeko:Dalka

Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka, Axmed Cali Daahir ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu faah faahin dheeraad ah ka bixiyey halka ay mareyso muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Waxa uu sheegay inuu dhammaaday wejigii Koowaad ee dacwadda, kaasi oo ahaa is hortaaggii dowladda Kenya u gudbisay maxkamadda, balse laga diidey codsigaasi, maxkamaduna ay qirtay iney awood u leedahay iney dhageysato dacwaddan.

Mudane Axmed Cali ayaa sheegay in Kenya ay hadda ku qabsan tahay iney kasoo jawaabto dulucdii, waqti kama dambeys ahna ay haysato 18-ka December ee soo aadan.

Waqtigaasi wixii ka dambeeya ayuu sheegay Xeer Ilaaliyaha in maxkamaddu ay dhageysan doonto dulcda dacwadda iyo doodaha Labada dhinac.

Dowladda Kenya ayaa sheegatay qeyb kamid ah Badda Soomaaliya, waxaana ay isku dayday in arrintaasi aan maxkamad lagu xallin oo si hoose looga wadahadlo.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News