U bood dhigaalka

Dhakhaatiir Ka Digaysa In Galaas Biyo ah La Ag Dhigto Meel U Dhow Sariirta Hurdada

Sheeko:Caafimaadka

Dhakhaatiir ka tirsan dalka Mareykanka ayaa soo saartay cilmibaaris cusub oo ka digaysa in sariirta hurdada la agdhigto meel u dhaw sariirta hurdada.

In badan oo dadka dunida ka tirsan waxay jecelyihiin in koob biyo ah uu agyaallo dhinaca sariirtooda hurdada, si ay u cabaan xilliga ay uu oon ama haraad ay dareemaan, waxaase la ogaaday in arrintaasi ay caafimaadka waxyeello u geysato, sababtuna ay tahay  bakteeriya amaba ukunta duqsiga koobka ku dhici kara, waana sida lagu sheegay daraasad cusub oo laga sameeyay arrintan oo uu hormuudkeeda ka mid ahaa, Dr. Mark Levy oo ka tirsan “Mercy Medical” ee gobolka Massachusetts ee dalka Mareykanka.

Cilmibaaristan oo lagu faafiyay jariidada “Reader Digest”, ayaa lagu sheegay in biyuhu ay soo jiitaan boorka iyo waxyaabaha yaryar ee ilmaqabatayda ah iyo waliba tixsiga oo ay dhici karto inuu ku ukumeeyo.

Arrintan ayaa ku koobneyn oo kaliya koobka afka ka furan, waxaa kaloo soo galaya kan dhalooyinka ku jira, iyaga kuwaas khatartoodu waa dhareerka dhanka afka ah iyo dhididka dhanka faruuraha ka soo baxaya marka la cabo ee haraa lagu reebo.

Dr. Levy waxa uu ku talinayaa in dhalooyinka biyaha laga wada dhameeyo hal mar ama mar kasta laga buuxiyo biyo nadiif ah markasta oo qofku dareemo harraad ama oon uu qabto.

Dhinaca kale, khabiirkan waxa uu tilmaamay in xaaladdu khatar noqon karto haddii koobka bakteeriyo ku dhalato ama koobka qof kale wax ku cabay, waxay xaaladdu aad uga sii dareysaa ayuu yiri, marka qofka wax ku cabay koobka uu ahaa mid cudurrada faafa qabay.

Dr. Levy waxa uu ku talinayaa in laga digtoonaado cabidda biyaha caagadaha ku jira ee in muddo ah qarraxda yaalla, maxaayeelay arrintaasi waxay keeni kartaa in ay biyaha ku milmaan walxo ka soo go’ay caagadaha oo kumilma caafimaadkana dhibaato ku ah.

Goobjoog News