U bood dhigaalka

Dhakhaatiir U Dhashay Dalka China oo Dhag ku Beeray Ganac Ko hor Inta aan Booskeedii Lagu Tallaalin

Sheeko:Caafimaadka

Dhakhaatiir u dhashay dalka Shiinaha ayaa ku guuleystay iney dhag ku beeraan gacanta qof bukaan ah oo dhagtiisii ku waayay shil baabuur oo xubnaha jirkiisa qaar uu ku waayay.

Jariidada Daily Mail ee ka soo baxday dalka Ingriiska ayaa sheegtay in  Dr Guo Shuzhong oo ah dhakhtar qalliin dhanka qurxinta qaabilsan ayaa sameeyay qalliinkan layaabka leh, waxayna ku qaadatay muddo 7 saacadood ah isbuucii la soo dhaafay, kadib qalliinka ayaa la ogaaday in dhiigu uu sidii caadiga ahaa ugu socdo dhagta la beeray, qalliinkana lagu guuleystay, laakiin beeridda dhagtan ayaa qaadatay bilo waxaana si lagu soo  koriyay bakaanka oo markii hore lagu tallaalay.

Dr Guo oo ka shaqeeya isbitaal hoos yimaadda jaamacadda Xi’an Jiaotong ee magaalada Xi’an ee dalka Shiinaha ayaa howshan loo dhiibay sanadkii 2016.

Sida ay wararku sheegayaan, bukaanka oo magaciisa lagu soo koobay Ji ayaa waxa soo gaaray dhaawacyo calculus oo dhinaca midig ee wajigiisa dhibaato xoog leh soo gaarsiiyay sanadkii 2015.

Ninkana ayaa lagu sameeyay dhowr qalliin oo kala duwan, si markale loogu soo celiyo muuqaalka wajigiisa ee dhibaatada culus ay soo gaartay, waxaase soo waajahay niyadjab xooggan kadib markii dhagtiisii midig uu ku waayay dhacdadaad shilka gaariga ah ee xanuunka badneyd.

Dhaawiciisa ayaa ahaa mid aad u daran oo dhakhaatiirta u suurtogelin waayay iney dhagta booskeedii dib ugu tallaalaan.

Dr Guo markii lagu wareejiyay howsha bukaanka ayaa waxa uu go’aansaday inuu ku beero dhag macmal ah oo ganac ku sameys ah, isagoo adeegsanaya tiknoloojiyadda 3D loo yaqaanno, iyadoo dhagta laga beeray carjawda feeraha bukaanka, kadib waxaa lagu tallaalay ganactiisa si loo koriyo oo dhag ay ugu ekaato, bilo ayay halkaa ku kortay, kadib markii la ogaaday iney diyaar tahay ayaa lagu beeray booskeedii caadiga ahayd.

Bukaan Ji ayaa isbitaalka ku jiridoona si xaaladdiisa loola socdo, kadib marka uu bogsado ayaa loo ogolaanayaa inuu gurigiisa uu dib ugu laabto.

Dhakhtarka qalliinkan ku guuleystay ee Dr Guo ayaa sheegaya in qalliinada noocan oo kale ah sanad kasta  ku sameeyaan ugu yaraan 500 caruur ah oo iyagoo xubnaha qaar ka naaqusan dhasha amaba shilal kala duwan ay soo wajaahaan.

Jaraa’idka China Daily ayaa sheegtay in  Dr Guo  uu horey ugu guuleystay sanadkii 2006 inuu sameeyo qalliinkii ugu horreeyay ee waji beerid ah ee dalka Chinaha.