U bood dhigaalka

Dhaliil Loo Jeediyey Madaxweynaha K/galbeed Iyo Wasiiradiisa

Sheeko:Dalka

Xildhibaanno Ka Tirsan maamulka K/galbeed oo kulan ku yeeshay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa si kulul waxay uga hadleen arrimaha ku aadan hoggaanka maamulkaasi iyo abaaraha ka jira gobollada K/galbeed.

Xildhibaanadan oo tiro ahaan gaaraya 50 mudane ayaa eedeeyey madaxweynaha maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo xukuumaddiisa oo ay sheegeen iney indhaha ka fiirsadeen xaaladaha abaareed ee ka jira gobollada Baay iyo Bakool.

Waxay tilmaameen in xukuumadda Shariif Xasan illaa iyo hadda aaney waxbo ka qaban xaaladda dadka abaarta ku haysa gobolladaasi, waxaana ay sheegeen in ay la xisaabtami doonan wasiirada K/galeeb.

“Madaxweyne Shariif Xasan iyo wasiiradiisa illaa hadda waxbo kama qaban abaarta ka jirta K/galbeed, dadku aad bay u dhiban yihiin, maamulka waxaan leenahay waa in dib u eegis lagu sameeyaa, waa in lala xisaabtamaa Madaxweynaha iyo wasiiradiisa” sidaasi waxaa yiri xildhibaan ka tirsan K/galbeed oo kulankaasi ka hadlay.

Hadalka xildhibaannadan ayaa imaanaya xilli dhowaan madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu shaaca ka qaadey inuu kamid yahay musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Goobjoog News