U bood dhigaalka

Dhalxa: Ra’isul Wasaaraha Waxaa Uu Xaq U Leeyahay In Uu Iska Dhaga Tiro Talo Soo Jeedinta Jawaari

Sheeko:Dalka

Sida uu Goobjoog News u xaqiijiyay xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa,  xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ayaa guddoomiyahooda Maxamed Cabdullahi Jawaari u gudbiyay cabasho ay ka qabaan qaab dhismeedka xukuumadda cusub.

Mudane Jawaari ayaa la sheegayaa in uu qoraal u diray ra’isul wasaare Xasan Khayre isaga oo ku wargeliyay cabashada ay qabaan Xildhibaannada golaha shacabka.

Xildhibaan Dhalxa waxaa uu sheegayaa in ra’isul wasaaraha uu xaq u leeyahay in uu iska dhago tiro talo soo jeedinta Jawaari isla markaana isaga iyo xukuumaddiisa ay hor yimaadaan golaha shacabka, kuna nasiib sado in uu kalsooni heli karo iyo in kale.

Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa sabtidii warqad uu u diray ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Kharye ku sheegay in uu helay cabashada 105 xildhibaan kuwaas oo diidan qaabka uu Kharye u soo dhisay xukuumadda.

Goobjoog News