U bood dhigaalka

Dhibaatooyin Heysta Qaar Ka Mid Ah Ardeydii Ka soo laabtay Xerayaha Dhadhaab

Sheeko:Dalka

Dugsiga hoose/dhexe iyo sare ee Barwaaqo waxa uu ka mid yahay dugsiga qaabilay qaar ka mid ah ardayda dib ugu soo laabtay dalka ee horay ugu noolaa  magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka J/Hoose.

100 Ka mid ah ardayda soo laabatay ayaa haatan wax ka barta dugsiga Barwaaqo ee xaafadda Faanoole ee magaalada Kismaayo sida maamulaha dugsiga oo lahaday Goobjoog News ayaa waxa uu sheegay iney ardada ay dulsaar ay ku noqdeen ardadii kale taasoo keenatay in ay faaladii ay qaadi waayeen ardadii.

Dugsiga ayaa xilligan waxaa ka taagan ciriiri dhanka fasalada iyo agabka waxbarasho ah,taasoo loo sababeynayo xadiga ardayda ka badan qaadka dugsiga.

C/rashiid Aadan Mukhtar, maamulaga dugsiga Barwaaqo oo u warramay Goobjoog News  ayaa waxa carab baabay iney jirto cariiri dhanka faslada iyo agabka dugsiyada isoo ugu baaqay wasaaradda waxbarashada iney arrinkaani ay soo faro galiso isagoo arrintaasi ka hadlaayo waxa uu yiri.

“Waxaa jira araday fara badan oo ka soolaabatay xeryaha qaxootiga Dhadhaab ku waas oo ku soo laabaty wadankooda gaar ahaan magaalada Kismaayo iyadoo taasi ay jirto ayaa hadana  waxaa jira cirirri dhanka  agabka iyo aalada ah”

Arrintaani ayaa ah mid ubaahanay iney soo fara galiso wasaaradda waxbarashada dowladda federalka ee Soomaliya maadaama ay iyadu ay mas’uul ay kathay waxbarashada dalka iyo iney helaan ubadka soomaaliyeed waxbarsho,hadana mamuuqato kaalintii kaga aadaneed wasaaradda waxbarashada  howlaheeda .

Balse barayaasha iyo arada soomaaliyeed ayaa waxa ay jawaab ka sugayaan tallaabaday ay qaado wasaaradda waxbarashada ee dowladda fedraalka Soomaaliya oo iyadu haatan waqtigeedu dhamaday.