U bood dhigaalka

Dhul –kii Xoog Looga Raray Barakacayaasha Oo Isku-badalay Mid Dowladda Lagu Heysto

Sheeko:Dalka

Dad deggan Kaxda oo la hadlay Goobjoog News ayaa ka sheegtay in dowladda ay goofafkooda xoog ugu rartay iyaga iyo dad barakacayaal ah, halkaasina ay ku burburisay guryo iyo Iskuullo, waxayna dal-badeen in loo tacsiyeeyo, magdhawna la siiyo.

Faadumo Xuseen Yusuf oo sheeganeysa goobta la burburiyay “Waxaa nagu dhacday 29kii ay jimcada aheyde, anaggoo war moog oo dhulkan joogna, oo aabahey, aabihiisa aabihii sii dhalay, 7 oday aan ku dhalanay, 70 sano hadda aniga aan jiro intaas aan ku noleyn, aan arag wax noo yimid ama wax noo sheega ayaa 50 tikniko oo amniga dowladda ah nagula soo weeraray iyo ciidankoodii iyo karatabiilo, nala burburiyay, hantideenna la baa’biyay, qarankii aan u gurmaneynay, oo garabkiisa taagneen sidaasi noo galay, marka waxaa codsaneynaa in xaqaana naloo dhiciyo, haddii uusan dhacsameyn  oo boob nagula tagalo-galayna, hade na boobto dowladda Soomaaliyeed, ciidankeeda ayey nagu boobtay, oo nagu burburisay.

Oday Ciise oo ka tirsan dadka sheeganaya milkiyadda goobta la burburiyay “Kaxda dhul ayaan ku leeyahay, waxaa ahay nin 80 ka badan jira, wax aanan weligay arag ayaa igu yimid, waxaa weeye, dhulkeyga aniga oo jiifa oo iska hurdaya, cid I dacweysana aan la arag, oo cid wax igu heysto aanan arag ayaa katarabiilo iyo ciidan yaacaya igu soo galeen, waxaan u maleynaa aniga raqdeyda waa taallaa, xoolaha la iiga burburiyay $80,000 waa dhaafayaan, jimcadii hadda tii ka horeysay ayuu weerarkaasi dhacay, illaa maanta alaabtii wax ay jajabsheen iyo wax yar ayaan ka hayaa, wixii iigu fadhiyay $100, waan ka bixiyay 10 SHSo, dhibkaas waxaa codsanayaa, dowladda oo in la iiga jawaabo doonayaa wixii na dacweeyay iyo raggii dhulkaas loo xukumay, waxaan doonayaa cadaalad iyo sidii lagu arki jiray qaran, dowladda waa kaalmeynaa, canshuurbaan bixinaa, sidii wax dhega la’a oo sidii Amxaaradii iyo loola xarbi-jiray cadawga in naloola xarbiyo ma dooneyno”.

Dhinaca kale, Weriyeyaasha Goobjoog News ku adkaatay  in ay soo arkaan dadkii laga rabay illaa 23 Kaam oo halkaasi ku yaallay.

Dadkan oo illaa 400 oo qoys, ayaa la burburiyay ogoysiis la’aan, dadkaasi ayey Q.M sheegtay in ay ka soo carareen  abaar iyo colaado deegaanno fog-fog ka jirtay,  taasi oo sababtay in ay dibadda joogaan caruur, haween iyo waayee.

Dadkii barakacayaasha ahaa waxaa laga burburiyay Goobaha waxbarashada, musqulaha, meelaha ay biyaha ka xabaan iyo hoygooda, waxaana la sheegayaa in gobolka Banaadir uu wada hadal u furay si arrintooda loo xaliyo.

Goobjoog News