U bood dhigaalka

Dib U Dhac Ku Yimid Iibkii Shirkadda Yahoo

Sheeko:War

Shirkadda Yahoo ayaa sheegtay Talaadada maanta ah in dib loo dhigay iibka shirkadda rubuca Labaad ee sanadka oo ay la wareegi la wareegi doonto shirkadda isgaarsiita Verizon.

War-saxaafadeed ka soo baxay shirkadda ayaa lagu sheegay iney howl badani hortaallo iibka, si looga soo baxo shuruudaha iibka ee lagam maarmaanka u ah dhameystirka la wareegidda shirkadda.

July 2016 ayaa shirkadda Verzon ay ku dhawaaqday iney iibsanayso Yahoo oo ay ku iibsanayso 4.83 bilyan oo doolar, iyadoo ay taasi jirto ayaa hadana waxaa soo if baxay dulduleel dhanka iibka ah oo mugdi gelinaya dhameystirka heshiiska iibka shirkadda.

Iibkan ayaaney qeyb ka ahayn “Alibaba Group” oo ay leedahay Yahoo, kumana jiraan saamiyada Yahoo ee dalka Japan.

Waxaa la filayaa in magaca cusub ee shirkadda Yahoo uu noqon Altaba Inc, waa haddii iibku uu dhameys tirmo.

Bayaan ay shirkadda Yahoo soo saartay, ayaa waxaa ka muuqda in kor u kac ku yimid faa’idada shirkadda Saddexdii bilood ee ugu dambeysay ee sanadkii hore, marka loo eego sanadkii 2015 oo faa’idadu ay intaa ka yareyd, 2016 waxa uu gaaray 162 milyan oo doolar.

Shirkaddu markii ay ku dhawaaqday faa’idooyinka sanadkan 2016, isla markiiba waxaa kor u kacay saamiyadeeda dhanka suuqqa saamiyada New York koror dhan 1.9%, iyadoo halkii saami uu gaaray 43.20 doolar.

Goobjoog News