U bood dhigaalka

Dib u Dhac Ku Yimid Maxkamadeynta Labo Wariye Oo Ku Xiran Hargeysa

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa sheegaya in dib u dhac uu ku yimid Maxkamadeynta Labo wariye oo Todobaadkii hore maamulka Somaliland ku xirey magaaladaasi.

Wariye Cabdimaalik Coldoon iyo Agaasimaha Star Tv Maxamed Baashi Xaaji ayaa maanta la filayey in la maxkamadeeyo, balse dib u dhac ayaa ku yimid maxkamadeyntooda.

Lama oga sababta ka dambeysay in dib loo dhigo maxkamadeynta wariyeyaashan, xilli suxufiyiinta Somaliland iyo ehlada Labadan wariye ay diyaar u ahaayeen iney goob joog ka noqdaan sida maxkamadeyntu ay u dhaceyso.

Wariye Coldoon ayaa lagu eedeeyey inuu taageeray Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo, sidoo kalena waxay ku sheegeen saraakiisha Booliiska Somaliland inuu yahay wariyaha Qaran Dumis.

Agaasimaha Star Tv, Maxamed Baashi ayaa isna lagu eedeeyey inuu kahor yimid mashruuca Berbera ee Imaaraadka Carabta.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News