U bood dhigaalka

Dib u Dhis Lagu Sameeyay Qaar Kamid Ah Waddooyinka Degmada Baraawe

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey dib u dhis lagu sameeyey waddooyin dhowr ah oo ku yaalla degmadaasi.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Baraawe Bashiir Maxamed Yuusuf oo u waramay Goobjoog News, ayaa sheegay in la dhameystiray dayactirka wadada madaxtooyada ee degmadaasi.

Waxa uu sheegay guddoomiye ku xigeenka in haatan ay socdaan dhismaha waddooyin kale oo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed, islamarkaana ay kaalin ka qaadanayaan arrintaasi shacabka ku dhaqan degmada Baraawe.

“Dib u habeynta waa ay socotaa, wadadii Madaxtooyada waan dhameynnay, kuwa kalena waa ay socdaan, waayo Baraawe waa caasimadda K/galbeed, madaxtooyadii waa la dhisay, waxaan sugeynaa in xukuumaddii ay soo guurto” ayuu yiri Bashiir.

Dhanka kale Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in garoonka degmada Baraawe howlo dayactir ah oo ay ka hayeen ay haatan dhammaad tahay, islaamarkaana garoonkaasi uu dhowaan shaqo bilaabi doono.

Dastuurka maamulka K/galbeed waxaa ku qoran in Baraawe ay tahay caasimadda maamulkaasi, balse waxay si KMG ah ugu shaqeeyaan magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Goobjoog News