U bood dhigaalka

Dib u Habeyn Lagu Sameynayo Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal C/xakiin Daahir Saciid Saacid ayaa sheegay in dib u habeyn lagu sameyn doono ciidanka Booliiska si sare loogu qaado waxqabadka ciidamada.

Waxa uu tilmaamay taliyaha in Taliska Booliiska xiriir wanaagsan la leeyahay booliiska dalal badan oo caalamka ah, sida Jarmalka iyo Imaaraadka.

Taliyaha ayaa sheegay in sidoo kale dib usoo celiyeen xiriiradii Booliiska dalka la lahaa ururada Booliiska ee caalamka.

“Waxaa socda dib u habeyn ciidanka booliiska horey loogu qaadayo waxqabadkiisa iyo qaabkiisa shaqo si loo tuso inuu la jaanqaadi karo dhammaan ciidamada Booliiska adduunka sida ay u shaqeeyaan, waxaan sidoo kale xiriir dhow iyo mid fog la leenahay dowlado badan oo Booliiska ah… waxaan dib usoo celinney xiriiradii dhammaaan ciidaka Booliiska la lahaa qeybaha kale, waxaan qeyb ka nahay Interpol iyo ururada Booliiska oo dhan, waxaan xiriir dhow la leenahay dowlado ay kamid yihiin Jarmalka, Imaaraadka iyo kuwo kale” ayuu yiri Taliye Saacid.

Booliiska Soomaaliyeed ayaa dib u habeyn iyo qalabeyn ballaaran lagu sameeyay, waxaana hadda Booliiska inta badan u dhameystiran waxyaabaha sahlaya in shaqadooda ay gutaan.

Goobjoog News