U bood dhigaalka

Dibadbaxyo Ka socda Dalka Tunisia

Sheeko:Dalka, War

Sida ay sheegayaan warbaahinta dalka Tunisia hal qof ayaa ku dhintay dibad-baxyo looga soo horjeedo xukuumadda kuwaas oo ka dhacay Tiberias.

Dibad-baxyaasha ayaa waxay ka careysanyihiin sare u kac ku yimid qiimaha badeecada iyo canshuur cusub oo lagu soo rogay magaalooyin ka tirsan dalkaasi.

Sidoo kale dibad baxaan ayaa waxaa ku dhaawacmay 5 qof oo kale ka dib markii uu isku dhac uu dhex maray dibadbaxyada iyo ciidamada ammaanka sida ay sheegeen dad ku sugan magaalo ku taallo galbeedka caasimadda Tunisia.

Dibad-baxyaasha ayaa waxay ku fideen ku dhawaad 10 magaalo oo ka tirsan Tunisa waxaana ka mida magaalooyinka ay ku faafeen dibad-baxyaashaan Sidi Bouzid, Bou Hajla.

Ciidamada ammaanka ayaa waxay adeegsadeen gaaska indhaha ka ilmisiiya si ay u kala ceyriyaan dibad baxyaasha ka cabanaya sare u kaca ku yimid badeecooyinka canshuuraha cusub ee lagu kordhiyey.