U bood dhigaalka

Diiwaanka Dhacdooyinka 2014 ee Maamul Goboleedyada

Sheeko:Caalamka

Shan maalmood oo kaliya ayaa laga joogaa markii uu na macsalaameeyey sanadkii 2014-ta oo Soomaaliya u ahaa mid ay xariiqmeen taariikho badan kuwaasi oo qaarkood reebey raadad aanan tirmeynin in la noolyahay.

Iyada oo dhacdooyinka sanad kasta iyo markasta dhaca, saxaafaduna tabiso ay yihiin taariikh iskeed u qormeysa ayaa hadane waxaa markasta micno samaynaya uruurinta iyo keydinta wixii dhacay hal xili, si markaasina dib loogu milicsan karo mustaqbalka.

Inkasta oo taariikhada dhacay aysan ahayn kuwa dib usoo laabanaya, hadane waa kuwa mar kasta saameeya go’aanqaadashada dowladaha, shirkadaha iyo waliba shaqsiyaadka, sidaasi darteed ayaa hawl badan oo aan galiney uruurinta iyo keydinta iyo waliba kala xulashada dhacdooyinka waxaan idinla wadaagaynaa qaar ka mid ah dhacdooyinkii ugu muhiimsanaa sanadkii 2014-tii ee tagay.

Qoraalkani waxaan si gaar ah ugu eegeynaa dhacdooyinkii ugu muhiimsanaa ee ku saabsan maamulada dalka ka jira sida Somaliland, Puntland, Gobolada Dhexe (ee soo socda), Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Waxay isugu jiraan dhacdooyin siyaasadeed, dambiyo iyo waliba kuwa kale oo leh muhiimad qaran.

Somaliland

Somaliland

  1. Janaayo 19, 2014:Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa heshiis hordhac ah ku kala saxiixday magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, kaddib wadahadallo saddex maalmood qaatay oo ay halkaas ku yeesheen, heshiiska ayaa waxaa qodobbadiisa ka mid ah in lasii wado wadahadallada u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Somaliland in saddex bilood oo kasta ay mar kulmaan labada dhinac, kulanka afaraadna la isugu soo laabto muddo 90-maalmood gudahood ah, Qodobbada heshiiska ayaa waxaa ka mid ah: In wadajir ah loo cambaareeyo dhibaatadii ay geysatay dowladdii milateriga ahayd ee Soomaaliya. Waxaa kaloo lagu heshiiyay qariidad sharraxeysa habka uu wadahadalku kusii socon doono, In qodobbada lagu heshiiyay sida ay u kala fudud yihiin loo kala hor-mariyo iyo kuwo kale.
  2. Maarso 20, 2014: Gaadiidkii Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Cukuse iyo Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Ciise Xaglo toosiye ayaa isku dhacay taas oo dhaawac ka soo gaadhay labaddaaasi wasiir, afhayeenka madaxweynaha Axmed Saleebaan dhuxul iyo gudoomiyihii hore ee ururka saxaafadda SOLJA Mustafe Shiine, waxa shilkaas gaari ku geeriyooday caaqil Cabdi Cigaal (Hadoodil) .
  3. May 11, 2014:Guddoomiyaha oday-dhaqmeedyada Muqdisho, Maxamed Xasan Xaad ayaa ka hadlay socdaal ay Somaliland ku joogaan isagoo sheegay inaysan Somaliland u tegin arrimo siyaasadeed, balse ay u tageen sidii ay walaalahooda Somaliland ugu mahadceliyaan horumarka ay ka gaareen nabadda.
  4. Sabtembar 30, 2014: Kadib dood ay yeesheen Golaha Wakiilada Maamulka Somaliland ayaa waxaa ay isku raaceen in labada doorasho ee Madaxtooyada iyo Wakiilada hal mar la wada qabto, iyagoo sidoo kale ansixiyey Xeerka diwaangalinta Maddaniga ah iyo codbixinta.
  5. Nofeembar 15, 2014: Ciidamada maamulka Somaliland ayaa waxay xabsiga u taxaabeen Laba ka mid ah xildhibaanada maamulkaasi iyo Afar Suxufi oo Hargeysa ka howlgasha. Xildhibaanadaan ayaa taageersan xisbiga Wadani, waxaana ay kasoo horjeedeen mooshinka ka dhanka ah gudoomiyaha baarlamaanka Somaliland

 

Maamulka PuntlandPuntland

  1. January 1, 2014: Xarunta Baarlamaanka ee magaalada Garoowe, waxaa ka dhacday munaasabad ballaaran oo lagu dhaarinayey 66-da xildhibaan ee shanta sano ee soo socota kamid noqon doona Golaha Wakiillada ee Puntland.
  2. January 4, 2014: Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo dhacday, Doorashada waxaa la isla gaaray ilaa sedex wareeg, Labadii murashax ee ugu codka badnaa wareeggii labaad oo kala ahaa: Siciid Xasan Shire iyo C/rashiid Maxamed Xirsi ayaa wareegii saddexaad ku tartamay, waxaana uu Siciid Maxamed Shire oo guddoomiyaha loo doortay helay 40-cod, halka guddoomiyihii hore ee la tartamay ee Cabdirashiid Maxamed Xirsi uu helay 26-cod, waxaa gudoomiye ku xigeenka koobaad loo doortay Xildhibaan C/xamiid Sheekh C/salaam halka gudoomiye ku xigeenka labaad loo doortay Xildhibaan Xuseen Yaasiin Diiriye.
  3. January 8, 2014:Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa waxaa ka dhacday doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland, xilalkaas oo ay kusoo kala baxeen madaxweynaha cusub ee Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas iyo madaxweyne ku xigeenka cusub ee Puntland, C/xakiin C/llaahi Xaaji Cumar (Camey).
  4. Maarso 17, 2014: Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilka taliyihii ciidamada Daraawiishta Puntland ee ku sugan aaga tuulada Gal-gala, Jaamac Siciid Warsame (Af-guduud).
  5. April 7, 2014: Garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa maalintaas lagu toogtay laba sarkaal oo u shaqeynayay hay’adda UNODC oo la dagaalanta daroogada iyo damiyada.
  6. Agoosto 4, 2014: Taliyihii Ciidanka Booliska qeybta Bari ee maamulka Puntland Cabdirixmaan Cali Xuseen ayaa ku geeriyoodey qarax lagula eegtay gudaha magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
  7. Aktoobar ctober 1, 2014: Ciidamada Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa gebi ahaan la wareegay gacan ku haynta buuraleyda Galgala kadib dagaal qaraar oo maanta halkaa ka dhacay. Dagaalka ayaa buuraha galgala waxa uu ku dhex maray dagaalyahano ka tirsan xarakada Al-shabaab iyo ciidamada Puntland oo weeraray,
  8. Aktoobar 10, 2014: Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland. Hogaanka sare ee maamulka Puntland oo u horkacayo madaxweyne, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku soo dhawaysay wafdiga garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe.
  9. Aktoobar 14, 2014: Heshiiska ayaa waxaa magaalada Garoowe ku kala saxiixdeen dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu wakiil ka ahaa Ra’isulwasaare Cabdiwali Sheekh Axmed iyo maamulka Puntland.
  10. Nofeembar 18, 2014: Qof goobjooge ah ayaa Warbaahinta Goobjoog u xaqiijiyay in Wariye Cabdi Risaq Cali Silva lagu dilay goob lagu shaaho oo ku taal magaalada Galkacyo. Wariyaha la dilay ayaa u shaqeyn jiray Radio Daljir iyo Royal Tv xafiiska magaalada Galkacyo, dilkan ayaa ka dhacay waqooyiga Galkacyo.

Maamulka JubbalandJubbaland

  1. Janaayo 20, 2014: Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubba, waxaa ka dhacday xaflad ballaaran oo lagu caleema saaray madaxda maamulkaas, xafladdaas oo loogu magac daray Daah-furka Jubbaland.
  2. Agoosto 29, 2014: Heshiis ayaa la dhex dhigey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Col. Bare Aadan Shire Hiiraale oo ciidamo mucaarad ku ah maamulka ku heystey duleedka magaalada Kismaayo, horeyna maamulka dagaal ola galay, waxaa heshiiska ka shaqeeyey wasiirro kala ah Faarax Sheekh Cabduqaadir, Cabdullaahi Goodax Barre iyo Xuseen Cabdi Xalane .
  3. Agoosto 30, 2014: Bare Hiiraale ayaa gaaray magaalada Muqdisho kadib wada hadallo ka dhacay kismayo
  4. Sabteembar 7, 2014: Shir ballaaran oo ay ka qeyb galeen xubno ka kala soca beesha caalamka iyo urur goboleedka IGAD ayaa maalintaas lagu qabtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.
  5. Sabtembar 16, 2014: Maamulka kumeelgaarka Jubbaland ayaa shaaciyay qodobada looga hadlayo shirka la filayo in uu ka furmo magaalada Kismaayo. Shirkan oo la sheegay in uu yahay wajigii labaad ee shirka dib u heshiisinta beelaha dega Jubbooyinka iyo Gedo ee kol hore lagu qabtay magaalada Muqdisho
  6. Sabtembar 16, 2014: Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kismaayoee xarunta gobolka Jubbada hoose halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay, wuxuuna halkaasi ka furey shirweyne dib u heshiisiineed gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.
  7. Aktoobar 9, 2014: Wafdi uu hogaaminayo ergeyga qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa gaaray magaalada Kismaayo.
  8. Nofeembar 8, 2014: Wararka ka imaanaya degmada Garbahaareey ee gobalka Gedo ayaa waxay sheegayaan in ay dib u heleen xurriyadooda Sedax dhaqtar oo maalin ka hor ay Afduubteen Xarakada Al-shabaab.
  9. Diseembar 22, 2014: Ra’isulwasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn oo warfidiyeenada la hadlay ayaa sheegey in ciidamada dalkiisa ay diyaar u yihiin in ay tagaan magaalada Kismaayo iyo guud ahaan gobolka Jubbada Hoose halkaasi oo ay ka baxayaan ciidamada ka socda dalka Sierra Leone.

 

shariifkaKoonfur Galbeed

  1. Maarso 03, 2014: Madoobe Nuunow Maxamed ayaa loo doortay madaxweynaha maamulka gobollada Koonfur-galbeed Soomaaliya lixda gobol, kaddib doorasho ka dhacday xarunta ADC-da Baydhabo, xilli dowladdu ay sheegtay inay taageersan tahay maamul u sameynta saddex gobol oo keliya.
  2. Maarso 05, 2014: Ugu yaraan shan ruux oo uu ku jiro taliye ku xigeenka qaybta booliiska ee gobolka Bay, Col. Nishow Kurtun ayaa ku dhintay, iyadoo shan qof oo kalena ay ku dhaawacmeen dagaal gellinkii dambe ee maanlintaas ka dhacay bar-koontarool oo taallay meel ku dhow saldhigga booliiska degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay
  3. Maarso 27 2014: Maxamed Xaaji C/nuur oo loo doortay madaxweynaha maamulka sedexda gobol ee maamulka Koofur Galbeed.
  4. May 12, 2014:Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxaa ku geeriyooday ugu yaraan 13-qof oo uu ku jiro ruuxii fuliyay qaraxa, iyadoo ay ku dhaawacmeen in ka badan 25-qof oo rayid iyo askar isugu jiray.
  5. June 23, 2014: Madaxda dowladda Somaaliya ayaa sheegay inay heshiis dhexdhigeen maamulladii looga dhawaaqay magaalada Baydhabo, iyadoo ay heshiiskaas goobjoog ka ahaayeen madaxweynaha Soomaaliya, guddoomiyaha baarlamaanka iyo ra’iisul wasaaraha.
  6. Luuliyo 17, 2014: Madaxweynaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa sameeyay xaflad afur ah oo lagu ansixiyay 18-ka xubnood ee Guddiga Farsamada ee Sameeynta Maamulka Ku-meel-gaarka ah ee Gobolka Koonfur Galbeed
  7. Agoosto 4, 2014: Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa kulan la qaatay saxiixayaasha hishiiska maamulka sedexda gobol ee koonfur galbeed ee Soomaaliya kaasoo ujeedkiisu ahaa in lagu sagootiyo xubnaha guddigan oo dib ugu noqonaya magaalada Baydhabo si ay u guda galaan howsha loo igmaday.
  8. Sabteembar 8, 2014: Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugnaa gobolka Baay ayaa maalintaas magaalada Baydhabo ku qaabilay Ergeyga QM ee Soomaaliya Danjire Nicolos Key. Kulanka Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Danjiraha QM ee Soomaaliya waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya
  9. Sabteembar 14, 2014: Wafdi uu hogaaminayo ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
  10. Sabtembar 14, 2014: Jawaari iyo Cabdiwali oo furay shirka Baydhaba, Ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed iyo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa si rasmi ah uga furay Baydhabo shirweynaha dib-u-heshiisiinta gobollada Koonfur-galbeed Soomaaliya, kaasoo socon doona 45 cisho.
  11. Aktoobar 5, 2014: Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa waaaberigii maalintaas la wareegay gacan ku haynta magaalada Baraawe
  12. Aktoobar 11, 2014: Madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Baraawe oo todobaadkii hore soo gashay gacanta dowladda kadib 6 sano oo ay maamulayeen xarakada Al-shabaab.
  13. Aktoobar 27, 2014: Shir lagu dhisayo maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya ayaa ka furmaya magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, iyadoo furitaanka shika uu u tagay halkaas guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari. Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa lagu wadaa inuu sidoo kale inuu soo xiro shir kale oo dib u heshiisiin ah oo bishii hore uu ka furay Baydhabo, kaasoo ay ka qayb-galeen wax-garadka gobollada maamulka loo sameynayo ee Koonfur-galbeed.
  14. Aktoobar 28, 2014: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay ayaa furay shirka lagu dhisaayo maamulka loo sameynayo Koonfur Galbeed ee Sedaxda ah. Shirkaan ayaa lagu doonayaa in lagu dhiso maamulka ka arimin doona Sedaxda gobal ee kala ah Bay, Bakool iyo Shabeelaha,
  15. Nofeembar 8, 2014: Odayaasha dhaqanka ee ku shirsan magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay, kuna howlan dhismaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa isku raacay in xarunta maamulkaasi ay noqoto magaalada Baraawe ee gobalka Shabeelaha Hoose.
  16. Nofeembar 10, 2014: Madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si wadajir ah usoo saaray go’aan si KMG ah loogu hakinayo shirka dhisidda maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya oo ka soconayey magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay.
  17. November 17, 2014: Guddoomiyaha baarlamaanka Prof Jawaari ayaa sheegey in uusan aqoonsan doonin shirka Baydhabo oo markaasi loo fadhiyey doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed.
  18. November 17, 2014: Magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay waxa ka dhacday doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, iyadoo xilka madaxweyne loo doortay Shariif Xasan Sheekh Aadan. Hoolka ay ka dhaceysay doorashadaan waxaa ku sugnaa 396 ergo, waxaana xilkaasi u musharaxnaa 5 xubnood.
  19. Diseembar 5, 2014: 15 qof ayaa lagu dilay, 20 kalana waa lagu dhaawacay qarax ka dhacay Baydhabo goob lagu Shaaho, dadka halkaas ku dhintay waxaa ka mid ah: Abdulkadir Ahmed Mayow ahaa Somali Channel Television, Mohamed Isxaq Barre oo ahaa cameraman u shaqeeya Kalsan TV, waxaa la dhaawacay Abdulkadir Hassan Jookar, Wariye Kalsan Television, Abdulkadir Hassan Iyeeyow oo ah Wariye Somali SAT Television iyo Mohamed Adan Socdaal oo ka tirsan Dalsan Radio lagu dhaawacay.
  20. Diseembar 19, 2014: Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ay magaacabay qaar ka mid ah xubnaha wasiirada maamulkiisa, ka dib wareegto uu soo saaray.Wareegtadaan oo uu saxaafadda u akhriyay afhayeenka maamulkaasi ayaa waxaa lagu magacaabay afar Wasiir oo kala ah.Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha C/raxmaan Ibraahim Aadan, Wasiirka Wasaarada Maaliyada Sheekh Xasan ibraahim Lugbuur, Wasiirka Wasaarada Beeraha Maxamed Xasan Fiqi, Wasiirka Wasaarada Garsoorka Axmed Sheekh Xasan.

CadaadoGobolada Dhexe

  1. Maarso 26, 2014: Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ka socda dalka Itoobiya ayaa kala wareegay Al-shabaab degmada Ceelbuur ee Gobolka Galguduud, kaddib dagaallo culus oo ka dhacay duleedka degmadaas oo 100-km dhinaca koonfurta kaga beegan degmada Dhuuso-maeeb ee xarunta gobolka.
  2. June 10, 2014:Wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya ayaa magacaawday guddiga dib u hishiisiinta gobollada dhexe ee Somaaliya, kuwaas oo soo maray marxalado kala duwan.
  3. Luuliyo 30, 2014: Ra’iisul Wasaare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa galabtaas heshiis taariikhi ah oo maamul loogu dhisayo gobollada dhexe ee Soomaaliya ugu qabatay magaalada Muqdisho ergooyin ka socday Maamullada Galmudug, Ximan iyo Xeeb, Ahlusunna Wal-jamaaca, iyo Hoggaamiyaal dhaqan, waxaana heshiiska goob-joog ka ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh
  4. Aktoobar 23, 2014: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socdaal ku tagay degmada Ceel-buur ee gobalka Gal-gaduud, kadibna Beledweyn.
  5. Aktoobar 15, 2014: Maamullada ayaa kala ah: Galmudug, Ximan & Xeeb iyo Ahlusunna Waljamaaca. War saxaafadeed ay soo saareen ayey ku sheegeen maamulladan in heshiiskii Garoowe ay wada gaareen labo dowladood oo siman islamarkaana aysan jirin dowlad dhexe sida ay sheegeen.

 

Goobjoog News