U bood dhigaalka

Dil Caawa Ka Dhacay B/weyne

Sheeko:Dalka

Rag ku hubeysan bistoolado ayaa caawa waxay magaalada B/weyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ku dileen Ibraahim Cismaan Muumin oo u shaqeynayey NGO gacnta ku haya dib u habeynta Tiyaatarka Qaranka ee B/weyne.

Dilkan ayaa ka dhacay Xaafadda Howlwadaag ee magaalada B/weyne, waxaana goobta ka baxsaday raggii dilkaasi ka dambeeyay.

Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabelle ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in shaqsigan la dilay aad looga garanayey guud ahaan Hiiraan, islamarkaana maalmihii ugu dambeeyay ku mashquulsanaa dhismaha tiyaatarka.

Ciidamada ammaanka oo goobta falkaan ka dhacay gaaray ayaa la sheegay iney howlgallo sameyeen, wallow aysan jirin cid lagu soo qabtay howlgalkaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News