U bood dhigaalka

Diyaarad Ku Dhacday Garbahaarey, Gedo

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ku dhacday diyaarad u rarneyd hay’adda WFP, xilli ay damacsaneyd iney degto.

Diyaaraddan ayaa la sheegay in xilliga ay dagi rabtay ay cillad soo wajahday, islamarkaana ay dhinac ka gubatay, iyadoo sidoo kale ka dul dhacday guri ka dhowaa halkaasi, balse dadkii deganaa bannaanka ayeey ka jireen.

Goob joogayaal ayaa u sheegay Goobjoog News in maamulka degmada Garbahaaarey ay ku guuleysteen iney damiyaan dabka ka kacay diyaaraddan.

Diyaaraddan waxaa saarnaa raashiin loogu talo galay in loo qeybiyo dad abaarta hayso, iyadoo weli faah faahin aanay arrintaan ka bixin maamulka degmada Garbahaarey.

30-kii June 2017 waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku dhacday diyaarad ay la socdeen saraakiil dhanka ammaanka ah, taasi oo ahayd nooca yar yar.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

 

Mawduucyada:Gobollada