U bood dhigaalka

Diyaaradda Air Arabia Oo Duulimaad Ku Iman Doonta Hargeisa Maalmaha Talaadada Iyo Jimcaha

Sheeko:Dalka

Air Arabia ayaa sheegtay in wixii ka dambeeyay 4 July 2017 ay duulimaad toos ah ku tagi doonto magaalada Hargeisa, ee maamulka is magacaabay ee Somaliland.

Air Arabia oo horay uu duulimaadkeeda Afrika u jiray ilaa 2004-tii ayaa waxaa ay tagtaa lix goobood oo ay ku jiraan Masar, Suudaan iyo Kenya.

Duulimaadka Cusub ee Hargeisa waxaa uu ahaan doonaa 2 jeer todobaadkii, Talaadada iyo Jimcaha, iyada oo ka soo kici doonta Sharjah International Airport (SHJ) saacadda  03:45 iman doontana Hargeisa Egal International Airport (HGA) saacadda 06:15.

Caadil Al-Cali oo ka tirsan madaxda shirkadda Air Arabia ayaa sheegaya in Hargeisa ay horumartay bulsho ahaan, dhaqan ahaan iyo dhaqaaleba, isla markaana ay ku faraxsan yihiin duulimaadkaas, isla markaana ay Hargeisa u keeni doonaan ganacsi iyo dalxiis.

Goobjoog News