U bood dhigaalka

Diyaarado Duqeyn Ka Geystay Shabellaha Dhexe

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in diyaarado dagaal ay duqeyn ka geysteen deegaan lagu magacaabo Buulo Mareerey oo qiyaastii 5-KM u jira deegaanka Basra.

Goob joogayaal ayaa xaqiijiyey in diyaaradahan ay si gaar ah u bartilmaameedsadeen saldhigyo Al-shabaab ku lahaayeen halkaasi, waxaana deegaankan la xaqiijiyey inuu ahaa halkii ay Al-shabaab iska soo abaabuleen markii ay qabsanayeen deegaanka Basra.

Khasaaraha halkaasi ka dhashay weli lama shaacin inta uu la egyahay, waxaana weli halkaasi ka jirta cabsi ah in duqeyn kale ay ka dhacdo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Sabtidii shalay sheegtay iney dishey 81 kamid ah dagaalyahannada Al-shabaab, kadib weeraro ka dhacay Jubooyinka iyo Labada Shabelle.

Sidoo kale war kasoo baxay dowladda Maraykanka ayaa lagu xaqiijiyey in lagu diley duqeyn Jimcihii iyo Sabtidii lasoo dhaafay ka Fuliyeen Shabeellooyinka ku dhowaad 100 kamid ah dagaalyahannada Al-shabaab.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News