U bood dhigaalka

Djibouti: Shir Ganacsi Oo Caalami Ah Ayaa Ka Socda

Sheeko:Dalka

Waxaa ka furmay magaalada Djibouti ee caasimadda dalkaasi bandhig ganacsiyeedkii ugu horreyay  kaasi oo ay ka qeyb galayaan 500 oo shirkadood iyo 9 dowladood oo ay ka mid tahay Turkiga.

Ra’iisulwasaaraha Djibouti Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo madaxa rugta ganacsiga Djibouti ayaa ka qeyb galay furitaanka xafladda bandhig ganacsiyeedka taasi oo socon doono ilaa 7 December.

Cabdulqaadir Kaamil Maxamed ayaa yiri “Dhacadaani muhiimka ah waxay ka qeyb qaadan doontaa horumarinta dhaqaalaha wadanka,sidoo kale waxay xaqiijineysaa horumarka ay ku talaabsaneyso qaaraddeena Afrika”.

Bandhig ganacsiyeedkaan caalamiga ah ayaa waxaa uu ka qeyb qaadan doonaa kobcinta dhaqaalaha gobolka sidoo kale waxay fursad maalgashi u tahay maalgashiga caalamiga ah oo ay sameynayaan shirkadaha shisheeye.

Dowladaha ka qeyb-galaayo bandhigaani ayaa waxay kala yihiin Turkiga, Japan, Soomaaliya,  France, Imaaraadka,UK, Canada, Itoobiya iyo Djibouti oo ah dalka martigalinayo.

Bandhig ganacsiyeedkaan ayaa waxaa uu furmay shalay oo Axad aheyd waxaana lagu wadaa inuu socdo ilaa 7 December.

Goobjoog News