U bood dhigaalka

Donald Trump Oo Sheegay Inuu La Shaqeyn Doono Dowladaha Xulufada La Ah Maraykanka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo khudbad ka horjeediyay golaha Koongareyska ayaa balan qaaday inuu la shaqeyn doono dowladaha Maraykanka uu xulafada la yahay gaar ahaan kuwa islaamka si looga taqaluso ayuu yiri kooxda Daacish.

Madxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay in maamulkiisa uu qaadan doono tallaabooyin adag oo dheeriya si loo ilaaliyo shacabka  Maraykanka, isagoo cadeeyay inuu ka shaqeynaayo sidii loo xoojin lahaa  baaritaanada dadka soo galaya Maraykanka.

Trump ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii canshuurta looga yareyn  lahaa  shirkadaha ganacsiga  ee Maraykanka .

Golaha Koongareyska ayaa waxa uu ugu baaqay inay ku gacan siiyaan sidii loo tirtiri lahaa barnaamijka Obama Keer ee ilaalinta caafimaadka laguna badalo barnaamij kale oo caafimaadk oo ka tayo badan kana qarash yar.

Waxa uu sheegay in dad badan oo Maraykan ah loo diiday inay helaan caafimaad, waxa uuna ku tilmaamay arrintaas mid aan cadaalad ahayn.

Hadalka madaxweyne Trump  ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli uu shalay uu balan qaaday inuu kordhinayo miisaaniyadda wasaaradda gaashaadhigga, taasi oo uu sheegay inuu ku darayo boqolkiiba toban.