U bood dhigaalka

Soo Gudbinta Liiska Magacyada Ergada Doorashooyinka Aqalka Hoose Oo Lagu Guul-dareystay

Sheeko:Dalka

Waxaa dib u dhac iyo fashil uu ku yimid soo gudbinta liiska magacyada ergada doorashooyinka aqalka hoose, taas oo lagu wadey in la dhameystiro shalay oo aheyd 10-ka bisha October.

Goobjoog News oo la hadashay guddiga doorashada ee maamu goboleedyada dalka ayaa ogaatay in maamulka Koofur Galbeed uu noqday maamulka ugu dhaw ee soo gudbiyay inta badan liiska magacyada ergada doorashooyinka aqalka hoose.

Koofur Galbeed ayaa guddiga doorashada u gudbisay ergadii dooran laheyd in ka badan 158 Xildhibaan, Xildhibaannada Koofur Galbeed lagu dooran doono waa 68 Xildhibaan.

Maamul goboleedyada kale waxaa ayaa waxaa ay guddiyada doorashadooda sheegayaan in weli lagu jiro qorshaha soo gudbinta ergada doorasho.

Guddiga doorashada dadban ee heer federaal iyo mid dowlad goboleed ayaan weli ka hadlin arrinta dib u dhaca soo gudbinta liiska magacyada ergada doorashooyinka aqalka hoose, arrintaas oo lagu tirinayo jil-jileec xagga guddyadaas ah, kuwaas oo ilaa hadda ku guul-dareystay xakameynta jawdwalka doorashada dadban ee 2016-ka.

Dib u dhaca soo gudbinta ergada doorasho ayaa qeyb ka ah fashil joogta ah oo ku imaanayey horgelinta jadwalka doorashada 2016-ka.

Goobjoog News