U bood dhigaalka

Doorashada Aqalka Hoose ee BFS oo Muqdisho Ka Socota

Sheeko:Dalka

2 kursi oo ka mid ah kuraasta aqalka hoose ee Baaralmaanka Federaalka Soomaaliya ee beelaha Banaadiriga ayaa maanta lagu dooranayaa magaalada Muqdisho.

Waxaa hadda ka socota xarunta doorashada ee Muqdisho ee Xero Gaadiid doorashada xubnihii ka harsanaa aqalka hoose ee beelaha Banaadir iyadoo lagu tartamayo 2-kursi oo midi yahay qoondo Haween, dumar kaliyana ay ku tartamayaan.

Magacyada Murashixiinta Kuraasta:

Kursiga Koowaad.

Waxaa ku tartamaya laba haween ah oo kala ah;

  1. Biibi khaliif Maxamed.
  2. Qamar Islow Nuur.

Kursiga Labaad.

Waxaa ku tartamaya Saddex qof oo kala ah;

  1. Caamir Axmed Maxamed.
  2. Lutfi Shariif Maxamed.
  3. Shariif Maxamed Cali.

Doorashada kuraastan ayaa ka dhigan in lasoo gabagabeeyay doorashada aqalka hoose ee beelaha Banaadiriga ah oo 5 ka mid ah horey loo doortay, halka labdii harsanaa saacadaha soo aaddan ay soo baxayaan.

Goobjoog News