U bood dhigaalka

Doorashada Aqalka Hoose Ee Somaliland Oo Muqdisho Ka Bilaabaneysa

Sheeko:Dalka

Guddiga doorashada dadban ee heer federaal ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in maanta Muqdisho lagu qabanayo ilaa 7 kursi oo ka tirsan 47-da kuraasta Somaliland ee aqalka hoose.

Doorashada waxaa ay ka dhaceysaa xarunta Gaadiidka taas oo ka duwan halkii uu ku taliyay ra’isul wasaare Cumar Cabdirashid oo aheyd in doorashada lagu qabto xerada Amisom ee Xalane.

Maanta waxaa lagu tartamayaa ilaa 7 kursi, labo ka mid ah waxaa ku tartamaya haween oo waxaa loo qoondeeyay kootada haweenka.

Dadka maanta tartamaya waxaa ka mid ah: Ra’isul wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte.

Goobjoog News