U bood dhigaalka

Doorashada Madaxweynaha Galmudug Oo Ka Bilaabatay Cadaado

Sheeko:Dalka

Goor dhow waxaa magaalada Cadaado si toos ah uga bilaabatay doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug, iyadoo ay tartamayaan Saddex musharrax.

Xildhibaannada baarlamaanka Galmudug ayaa codeynaya, waxaana tirada xildhibaannada codeynaysa lagu sheegay 89 mudane.

Musharraxiinta tartameysa ayaa kala ah:

  • Axmed Ducaale Geelle Xaaf
  • C/qaadir Shirwac
  • Axmed Shariif Cali Hilowle

Ammaanka magaalada Cadaado ayaa ah mid aad loo adkeeyay, waxaana halka ay doorashada ka socota ku sugan wafdi ka socda dowladda Federaalka oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News