U bood dhigaalka

Doorashada Musharraxa Madaxweyne Ku xigeenka Xisbiga Waddani oo Dhaliillo loosoo Jeediyay

Sheeko:Dalka

Axmed Muumin Seed oo u tartamayay murashaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga Waddani ee shalay looga guuleystay doorashadii xisbiga Waddani, odayaal dhaqmeed iyo aqoonyanno ayaa dood ka keenay qaabka ay u qabsoontay doorashada murashaxa madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga.

Axmed Muumin Seed oo ahaa guddoomiye ku xigeenka xisbiga Waddani muddo dheerna ku sugnaa xisbiga ayaa diiday inuu aqbalo natiijada shirweynaha xisbiga Waddani ee maalinimadii shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Hargeysa, taas oo  Axmed looga guuleystay murashaxnimada madaxweyne ku xigeenka xisbiga, isagoo shirkaa ku tilmaamay mid cadaalad darro ah oo la khilaafay shuruucdii doorasho, iyo xeerkii xisbiga.

Dhanka kale, Af-hayeenka beelaha dhaqanka ee deegaannada galbeedka Somaliland  Suldaan Cabdiraxmaan Dhawal  oo ka hadlay doorashadii shalay lagu soo gabagabeeyey magaalada Hargeysa laguna sheegay in laga guulaystay Axmed Muumin Seed  oo ahaa musharax u tartamaayey madaxweyne ku-xigeenka xisbiga ayaa sheegay iney cadaalad darro ay ahayd sida ay wax u dheceen, ”Shirkii Axmed Muumin Seed xaqiisii ayaa lagu duudsiiyey waana la ogaa ninkani waxa uu ka mid ahaa asaasayaashii xisbiga wuu usoo samray waana  arrin foolxun waxa lagu sameeyey“ ayuu yiri Suldaanku.

Odayaal iyo aqoonyahanno kala duwan oo shirar qabtay; ayaa qaarkood waxay soo bandhigeen iney kalsoonidii kala laabteen xisbiga Waddani  iyaga oo sheegay iney ka tusaale qaateen shirweynihii uu xisbigu qabsaday oo ay sheegeen in musharax Axmed Muumin Seed loola dhaqmay si aan u qalmin.

Axmed Muumin Seed oo  shan sanno ahaa guddoomiye kuxigeenka xisbiga Waddani ayaa doorashadii golaha dhexe ee xisbiga Waddani ka helay 44 cod oo kaliya, halka ergada guud ee golaha dhexe ee xisbigu ahayd 629 xubnood.

Goobjoog News